Faysal Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Xukuumada Uga Digay Burbur Ku Yimaada Wada Hadalada

0
462

Picture6Hargeysa(Geeska):-Wada-hadalkii maalmahan u socday xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa oo isku dhinac ah iyo xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani oo la filaayey ay maalintii shalay si wada jir ah u yeeshaan kulankoodii Sadexaad oo xal siyaasi ah lagaga gaadhayey khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay muddo kordhinta, ayaa baaqday kadib markii madaxweyne ku xigeenku uu ku soo war-galiyey xisbiyada mucaaradka in wada-hadaladaasi ay furmi doonaan maanta oo Salaasa ah, waxaana ay xisbiyada mucaaradku ay dhinaca xukuumada ku eedeeyeen in illaa hada aanay gogasha wada-hadalka la iman wax xal ah oo suurta galiya in la soo afmeero khilaafka siyaasada muddooyinkii danbe ka taagnaa dalka.

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah ugu qabteen xarunta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, waxaana ay sida oo kale sheegeen in markii hore aanay wax shuruud ah ku xidhin ka soo qeyb galida wada-hadalkaas hadana ay bulshada Somaliland u sheegayaan in aanay aqbali doonin wax ka badan Sadexdaa fursadood ee ay xukuumada siiyeen siiyeen si xal siyaasi ah looga gaadho khilaafka ka dhashay muddo kordhinta.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in haddii uu xal siyaasi ahi iman  waayo ay sidaas xukuumadu ku laalaabayso gogasha wada-hadalka ee ay fidisay.

"Sida aad ka warqabteen, waxaan socday gogal wada-hadal oo madaxweynahu fidiyey oo lagaga wada-hadlaayey khilaafkii ka dhashay go'aankii golaha Guurtidu ay gaadhay ee ahaa muddo kordhinta aan la isla ogaleyn, annaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin xisbiga Waddani, waxaa uu ogalaaday in uu gogasha yimaado, gogashaasi waxaa ay bilaabantay 20kii bisha May, wax natiijo ah oo illaa hada kulankaas ka dhashay muu jirin, laakiin annaga oo eegayna danta Somaliland iyo bedbaadada Somaliland iyo in heshiis dhaco, waxaanu fursad siinay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye-ba, waxaana aanu isla qaadanay in xal siyaasi ah la isla gaadho, waxaa aanu isku soo noqonay sabtidii sidii xal siyaasi ah loo raadiyo oo khilaafkaas ku saabsan, markii aanu ku noqonayna wax xal ah illaa hada kamuu iman dhinaca xukuumada iyo dhinaca xisbiga Kulmiye, waxaana ay u eekayd in maalintii ay gogasha fidiyeen ay hadana gogasha laabeen sababta oo ah gogalna waan fidinay ayaa ay yidhaahdeen go'aanka khilaafka dhaliyeyna waa lama taabtaan ayey yidhaahdeen.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Ciro.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu hadana ku kala tagnay in aanu maalin kale siino oo aanu Isniinta isku soo noqono, hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka oo dhex-dhexaadinaayey sadexda xisbi qaran oo hawlna ku jira, waxaa uu naga codsaday axsaabta mucaaradka ah in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo, berina(maanta) la siiyo, markaanu ka doodnay dood dheer si dumuqraadi ah xisbiga Waddani iyo xisbiyada mucaaradka ahiba, waxaanu qaadanay annaga oo ku xumaynayna madaxweyne ku xigeenka hawsha uu ku jiro una duceynayna in uu natiijo keeno oo aanu laakiin wax badan ka filayno in aanu maalintaana keeno, waxaanu cadaynaynaa oo aanu shacbigana u cadaynaynaa in aanu maalintaana siino, waxaan kale oo aanu shacbiga u cadaynaynaa in aanu doonaynay in sadexdaa fursadoodba xal lagu gaadho, waxaanu bixinay sadex fursadood, waxaanan isleeyahay fursad Afaraad ma jirto, waxaad noogu duceysaan uun in ay xal la yimaadaan Insha Allah, annagu gogashii waanu ku fadhinaa, kamaanan kicin wali, laakiin dee haddii uu xal iman waayo, waxaa ay ila tahay gogasha iyaga ayaa laa'laabaya.".

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aqbaleen codsiga ka axsaab mucaarad ahaan uga yimi dhinaca madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 "Annaga oo ixtiraamayna madaxweyne ku xigeenka oo shirka guddoominaayey waanu aqbalnay in berito uu shirku dib ugu dhaco, laakiin waxaan iftiiminayaa waxa weeye shacbiga reer Somaliland, arrinta madaxweynaha ayaa aanu ka codsanay oo waliba ay Ucid ka codsatay markii ay Guurtidu soo saartay go'aankaas bilaa sharciga ah in ay arrintaasi keenayso khilaaf iyo aduunka oo innaga taga maadaama aynu maanta doonayno ictiraaf iyo mucaawinooyin oo aynu u baahanahay, waxa weeyaan haddii uu aduunku innaga tago isma bixin karayno, anigu si shakhsiyan ah madaxweynaha waxaan ugu idhi Guurtidu go'aanka ay kuu goysay kuu daneyn maayaan, shacabkana u daneyn maayaan ee sharaftaada ayey dilaysaa, dalkana xumaan ayey u wadaa ee waanu kaa qabsanay ee arrintaas aynu meel iska soo wada istaagno ayaan ku idhi, madaxweynahu waa uu la khushuucay waana uu arkay khatarta ay leedahay waa waxa aan kuwii hore ku odhan jirnay.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Eng.Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in madaxweyne Siilaanyo waxii shalay la xumaa ay hadana maanta la fiicnaadaan, isaga oo carabka ku adkeeyey in  madaxweyne Siilaanyo hore aanu u jeclayn jabinta sharciga balse maanta qaabka uu u dhaqmayaa uu yahay ayaa uu yidhi mid aan isaga shakhsiyadiisa ahayn, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan dad kale oo dabada ka riixiya madaxweynaha.

“Waana ku ceeb madaxweynaha in waxii uu shalay waxii uu diidaayey uu maanta daafaco waa ay ku xun tahay, dadka waxaas wadaana maaha dad u daneynaaya madaxweyne Siilaanyo, Axmed Siilaayo oo aan ogaa halka u ka taagnaan jiray sharci darada korodhsiga Guurtida hadana maanta la yidhaahdo waa looga ergaynayaa, waxaan arkaa in aanay ra'yigiisii ahayn, se dad maalinba xisaabsada umadda inta ka soo galysay ayaa horta waxan wata, ee dad dadkeena u daneynaaya maaha annagu waxaanu nahay gurmad illaalinaaya dalka Soomaaliland iyo sharafta madaxweynaheena, madaxweynaha waa la sharfay food fiican ayaa la siiyey, dhaxal ayaa uu sameeyey in uu sharaf doorashada ku qabto weeyaan oo aan lays xag xagan ayaan doonaynaa, waxaan u sheegaynaa annagu 26ka juun haday gaadho innaga oo aan wax isla gaadhin dawlada ma ictiraafayno, Guurtidu waxaa ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana sidii aan annaga iyo Siilaanyo ku tashanay berigii iman doonta in inta aanu shir qabano aanu dawlad kale samayn doono oo doorasho innoo qabata, dalkani doorasho la'aan socon maayo, bal dadka waxaan weydiinaynaa 22 bilood oo Laba doorasho innoo yaalaan maxaa la qabanayaa, waa dad laba meyd u yaalaan sow mid uun in la aaso maaha, dan Somaliland ah lama wado, waxaad shacbiga ree Somaliland-now aad kala doorataan in aynu u danayno kooxo kiish daloola wata iyo in aynu dalkeena iyo umaddeena u danayno.".Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.