Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Dooday In Labada Sanno Ee Guurtidu Dan U Yihiin Mucaaradka

0
495

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay khilaafka muddooyinkii danbe ka taagnaa muddo kordhin ay Guurtidu u samaysay xukuumada iyo aqalka golaha wakiilada, waxaana uu soo jeediyey in halka lagaga murmaayo qabsoomida doorashada xooga la saaro sidii ay dalka uga dhici lahayd diiwaan-gelinta codbiyeyaasha isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in muddo kordhin loo sameeyo xukuumada Siilaanyo ay dan u tahay xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Md.Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in muddo kordhintii loo sameeyey xiligii xukuumadii hore ee Daahir Riyaale ay keentay nacaybshiyo ay dadku ka soo hor-jeestaan. "Anigu halkan waxaan ka jeedinayaa waa talo uun, doorashadana waxaa igala muhiimsan waa diiwaan galinta, diiwaan galinteenii hore waa ay xumaatay lacag badan oo horena waa ay ku baxday, aas aaska ama saldhiga doorashaduna waa diiwaan galin, anigu waxaan odhan lahaa mucaaradku ha ku tuntuunsadaan in ay soo baxdo ama ay dhacdo diiwaan galin rasmi ah oo xalaal ah si ni waliba uu u galo hal qof iyo hal cod marka taas la helo doorashadu waa sahaalo oo waa la qaban karaa. Bal ka waran haddii inta maanta wakhti la isla qaato oo diiwaan galintuna ay dhaqaaqi weydo ama ay wax ka si noqdaan, waxaan leeyahay mucaaradka maanta ha ku tuntuunsadaan in ay diiwaan galintu noqoto mid rasmi ah."Ayuu yidhi Md.Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumadii Daahir Riyaale, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa sheegay in muddo kordhin Afar ama shan bilood ahi aanay ahayn wax lagu khal-khal galiyo dalka, waxaana uu soo jeediyey in dhinacyadu ay si fiican uga wada-hadlaan si xal looga gaadho arrintaasi.

"Waxa la isku hayaa waa Shan bilood iyo Afar bilood, wadanka in khalkhal loo galiyana uma arko Afar ama Shan bilood, waxaan qabaa in laga wada-hadlo haddii ay ka shakisan yihiin in aanay xukuumadu doorashada ku qabanayn wakhtiga ay qabteen in maanta laga wada hadlo maxaa la yeelayaa haddii ay doorashadu dib uga dhacdo mudada loo xadiday, anigu waxaan qabaa cadaw badan ayaa ay leedahay Somaliland oo innagu gedaaman, waxaan qabaa in mucaarad iyo muxaafadba loo wada tashado oo heegan loo noqdo cadawga dibadeena iyo gudaheenaba tan doorashadana in si nadiif ah oo xal leh meel la isula dhigo, waxaana aan odhan lahaa haddii ay diiwaan gelin dhacdo waa la qaban karaa doorasho wakhtigeeda la qabto.".Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sida oo kale xisbiyada mucaaradka Somaliland u soo jeediyey in ay u samraan mucaaradada si ugu guulaystaan xukunka dalka.

"Anigu waxaan qabaa in muddo kordhinta maanta la kordhiyey ay u tahay nasteexo ama u fiican tahay mucaaradka, sababta oo ah waxaa ay ugu fiican tahay annaga wakhtigayagii waxaa na loo kordhiyey Laba sanadood, Sagaal bilood waxaan ka dhaxalnay Cigaal, Laba ayaa na loogu kordhiyey, Labadaasina nebcaanshiyo ayaa ay keeneen, waana sida uu maanta Kulmiye ku yimi. Marka waxaan leeyahay mucaaradoow, xukuumadana waxaan odhan lahaa haddii mucaaradku ay deg degayaan ha la sameeyo doorasho bilaa diiwaan-gelin ah oo beri ha la qabto, tan ayaa heli doonta, waxaan leeyahay mucaaradka waxaa u fiican in ay samraan oo deedna ay sidaas xukunka ku yimaadaan.".Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.