Labada Siyaasi Ee Xukuumadda Iska Casilay Ee Samaale Iyo Abiib Timacad Oo Ku Sugan Kenya & Nuxurka Kulamo Ay La Yeesheen Wadamada Beesha Caalamka

0
437

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labada siyaasi ee Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo hore iskaga casilay golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku sugan magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya, halkaas oo ay kula kulmeen wadamada beesha caalamka ee taageera Somaliland.

Labadan siyaasi oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxa ay safaradooda oo lagu sheegay kuwo shakhsi ah balse ay siyaasadi weheliso ku mareen qaar ka mid ah wadamada gobalka, waxaanay hadda ku suganyihiin magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, iyagoo toddobaadkan kulan la yeeshay ergey ku xigeenka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Brain H Phipps oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa. Ma jiro war rasmi ah oo kulankaas ka soo baxay, waxase la filayaa in Maraykanku siyaasiyiintan kala sheekaystay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, gaar ahaan khilaafyada siyaasadeed ee hadda ka taagan oo ay wax ka weydiiyeen aragtidooda siyaasadeed iyo sharciyeed. Labadan siyaasi ayaa diblomaasigan Maraykanka ah ee ay hadda kula kulmeen Kenya, waxa ay hore ugula kulmeen magaalada Hargeysa oo uu wakhtigaas ergey xigeenkani safar uu Madaxweynaha kula kulmay ku yimid. Waxa kale oo ay kulamo la yeesheen safiirada wadamada Midowga Yurub ee ku sugan magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya, kuwaas oo ah wadamada Somaliland ka taageera hanaanka geedi socodka dimuqraaiyadda Somaliland. Waxaanay safiirada reer Yurub ee ay la kulmeen sidoo kale kala hadleen xaaladahan u dambeeyay ee Somaliland ee dhinaca siyaasadda, gaar ahaan khilaafyada ka dhashay muddo kordhinta.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa aad indhaha ugu haysa dhaqdhaqaaqyada iyo socdaalada labadan siyaasi, maadaama oo ay labadooduba hore iskaga casileen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.