Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Qabyaalad iyo Nidaam-xumo

0
536

Picture4Hargeysa (Geeska) -Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey madal lagu gorfaynaayey nidaamka maamul daadejinta iyo hanaanka xisbiyada badan oo ay soo qaban qaabisay Akadamiga nabada iyo horumarka ee Somaliland ayaa ka hadlay heerka qabyaalada ee Somaliland.

Faysal Cali waraabe ayaa xukumada ku dhaliilay inay baabisay nidaamkii dawladnimo, isla markaana Somalilandna guud ahaan ay ka dhimatay habka dawladanimada, waxaanu hidhi

“Ma yaraanayso qabyaaladu saamiga ay ku leedahay ilaa ay madaxda sare ay iyagu arrintaas ka baxaan, waxaa nasiib daro ah in madaxda sare aad moodo inuu isagu naaxinaayo qabaa’ilkii, waan ognahay asxaabteena inta badani waxay  ku dhisan yihiin qabaail gacmaha isa saaray oo codkii meel wada mariya. Qabyaaladu barigii hore seenyo ayey ahayd hada geeso ayey yeelatay”

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo si gaara u taabtay qabyaalada iyo wasiirada ayaa yidhi “Wasiirkow ma maxaad tahay wasiir qaran mise wasiir qabiil? Hadii ay fursad waxbarasho soo baxdo reerkooda ayuu siinayaa, haday shaqo soo baxdo reerkooda ayuu siinayaa, waxay lacag siiyeen salaadiintii iyo cuqaashi, lacagbaa la siinayaa oo hadla ayaa la leeyahay oo hebel caaya ayaa la leeyahay, waxaasi nidaam dawlanimo maaha. Nidaam dawlanimo Somaliland uu ka dhintay, waana is dhex yaac”

Faysal Cali Waraabe ayaa tusaale u soo qaaday dawladii Siyaad Bare, waxaanu sheegay wixii burburiyey inay ka mid ahayd cadaalad daro, waxaanu yidhi “Dawladii siyaad bare maxaa burburiyey? Cadaalad daro, nidaam xumo, shariciigna waa laga talaabsaday, wadadaas haddii aynu marno iska daa ictiraafe Somaliland sanad dambe jiri mayso. Calanyahow ha dhicin ha dhicin waxba keeni maayo, wuu dhacayaa walaahi”

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaayey nidaaamka maamul daadejinta ayaa dhaliilo u soo jeediyey maayarada laga soo doorta xisbiyada dhexdooda, waxaanu sheegay marka la doorto inay xisbiga ugu dambayso, isla markaana ay faraha ka qaadaan taladii asxaabta laga soo dhex doorto, waxaanu sheegay in madaxda la soo doortaa ay inta badan ku faanan gelintaanka madaxtooyada iyo la qayilida wasiirada xukumada ku jira.