Akhriso Saddexda Qodob Ee Ay Ergadii Guurtidu Ku Xalisay Khilaafkii Kala Qaybiyay Xisbiga KULMIYE

0
533

Picture5Hargeysa (Geeska)- Guddidii Golaha Guurtida ee waday soo afjaradi khilaafka ka dhex aloosanaa Xisbiga Kulmiye, oo laba garab u kala jabay, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay Go’aamadii ay iyagu ka soo saareen khilaafka Kulmiye.

Go’aamadan oo Shalay lagaga dhawaaqay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa goob joog waxa ka ahaa Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Go’aamadan oo uu halkaas ka akhriyey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ayaa u dhignaa sidan “ ay dhegaysteen: Dacwaddaha Labada dhinac, darseena Qoraaladdii ay u soo kala gudbiyeen;

Markii ay arkeen : Qoddobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Xarafkiisa H, Faqradiisa 1aad; Markii ay arkeen : Xeerka Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Xeer Lambar 14, Qoddobkiisa 25aad, Faqradihiisa 4aad & 5aad; Markii ay Arkeen Warqadda Sumadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna Taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Axsaabta Qaranka; Markii ay Arkeen Go’aankii Guddiga Turxaan-bixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka Xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, Qoddobadiisa 5aadiyo 6aad ee ku Taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro Khilaafkan Cakiran ee hadheeyay Xisbiga Kulmiye si aanu u sababin Bur-bur iyo kala-qaybsanaan ku yimaadda Xisbiga Dhexdiisa Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaaya dhammaan Arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen Go’aamaddan: –

1. In Go’aanaddii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen Shir-guddoonkii Shir-weynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta, Isla markaana ay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda ayay Dhaqan-gal u yihiin.

2. Inkasta oo uu Xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo Qof kasta oo Dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto Labada Teeram Doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hase yeeshe in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Buuxisa Shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo Golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa. a. Waxa Reeban Shacaa’ir kasta oo muujinaya Astaan Musharax ama Doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka;

3. Wixi dad loo xidh-xidhay Arrimo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Kulmiye la sii daayo.”