Haayadda Khaliifa Oo Shaacisay In Biyaha Xumbo-Weyne Ee Ay Hargeysa Keenayso Ku Filan Yihiin 250 Kun Oo Qof

0
657

Picture7Abu Dhabi (Geeska)- War ay Isniintii 23ka Febarweri 2015ka faafisay wakaaladda wararka ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka waramay mashaariicda biyo soo saarka iyo gaadhsiinta ee ay haayadda Khaliifa ka waddo magaalada Hargeysa.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka wargeyska Khaleej Times oo ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in mashruucan oo aad u ballaadhani uu yahay deeq lacageed oo uu bixiyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Md. Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Aala Nahyaan, ujeedkiisa guudna yahay in gacan laga geysto yaraynta dhibaatada ay qabaan dadka Soomaaliyeed iyo in la wanaajiyo xaaladaha bani’aadamnimada. “Iyada oo la dhaqan gelinayo dardaaranka madaxweynaha Imaaraadka, Md. Sheekh Khaliifa Bin Zayed Aala Nahyaan, iyo dhaxal-sugaha Imaaraadda Abu dhabi, isla markaana ah ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee imaaraadka Carabta, Janaraal Sheekh Muxammed Bin Zaayid oo isagu u xilsaaran la socodka iyo ka warhaynta hirgelidda mashruucan biyo gelinta, ayaa haayadda Khaliifa, waxa ay bilowday mashruuc ah biyo soo saaridda iyo dhismaha dhuumihii biyahaas soo gaadhsiin lahaa dadweynaha magaalada Hargeysa” ayaa lagu yidhi, warkan ay baahisay wakaaladda WAM ee Imaaraadka u qaabilsan wararku, iyada oo intaas ku sii dartay in marka la eego masaafadda u dhaxaysa ceelasha biyaha iyo Hargeysa oo dhan 52 Kiiloomitir uu noqonayo khadkii ugu dheeraa (Somaliland) ee biyo qaadaya.

Wargeyska Khaleej Times waxa uu sheegay in ilo rasmi ah oo ka tirsan Haayadda Khaliifa ay u sheegeen in mashruucan oo ka kooban, 13 ceel oo biyaha laga soo saaro iyo dhismaha barkad aad u weyn oo noqota kaydka biyahaasi uu awood u leeyahay in uu maalin kasta soo saaro biyo ka badan Hal Milyan oo galaan, kuwaas oo u dhigmaya 4 Milyan iyo 564 Kun oo litir ama si kale haddii aynu u cabbirno, qiyaas ahaan noqonaya Siddeed iyo soddon kun, boqol iyo labaatan iyo shan foosto (38’125) Maalin kasta, waaana lagu wadaa in ay si fiican u waraabiyaan 250 kun oo qof oo caasimadda ku nool.

Wafti ka socda haayadda Khaliifa ee mashruucan maalgelinaysa oo uu horkacayo Sheekh Falaax Al-Xabiib oo ah madaxa mashaariicda bani’aadamnimada ayaa jimcihii ina dhaafay Somaliland u yimi hawlo la xidhiidha biyo-soo-saarka ay haayaddu ka waddo xumbo weyne, kadibna madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo uu Sheekh Fallaax wehelinayo ayaa dhagax dhigay barkaddii kaydka biyahaas, waxaana la filayaa in biyahaas  oo gaadhi doona bariga iyo koonfurta caasimaddu ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan dhimista biyo yaraanta muddada dheer ay caasimaddu ka cabanaysay.