Filim Ilmo Ka Keenay Indhihii Daawanayay Oo Hargeysa Xalay Lagu Soo Bandhigay

0
539

Picture3Hargeysa(Geeska)-Filim qiiro badan oo socday ku dhawaad 20 Daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay hotel Imperail  magaalada Hargyesa. Filimkan  oo ahaa wacyigalin ayaa la magac baxay WARAABE DHARLE waxaanu qaybaha bulshada  gaar ahaan dhalinyarada uga digaayay haasawaha guracan iyo ubadka lagu daadiyo gidaarada ee dugaagu ku laayo.

 

Filimkan waxa curiyay Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad) waxaana matalaayay koox dhalinyaro ah,isla markaasna waxa maalgaliyay haayada wadaniga ah ee HAVAYOCO. Bandhigan filimka waxa ka soo qaybgalay dhalinyaro aad u badan oo laga soo marti qaaday Jaamacadaha,Dugsiyada,Ururada bulshada,Kuwa xuquul iinsaanka iyo waliba xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Filimkan WARAABE DHARLE ayaa lagu soo bandhigay gabadh yar oo uu wiil ku haasaawinaayo been ka dibna uu gurac kaga danaysanaayo,waxana ku soo baxaaya uur ay la silcayso, wiilkuna uurkaas uu ku dafiraayo, waxaana intaas ku xigtay in gabadhii yarayd ay gidaar dhigayso ilmahii. Waxaana dulucda filimkan uu ahaa inay haweenku iska jiraan raga oo uu ku tilmaamayo Bahal Dharle.

Abwaan Axmed Awgeedi oo curiyay Filimkan ugu danbayntiina goobtaas filimka lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa u mahadceliyay daawadayaashii,waxaanu sheegay inuu filimkan aanu wax kale uga jeedin ee uu ku kooban yahay wacyi-galintaas uun.

Tiro ka mid ah dhalinyaradii bandhigan ka soo xaadirtay ayaa sheegtay in Filimkan uu taabtay dareenkooda, ayna tahay in wax lagu qaato, gaar ahaan in haweenka uu u yahay gaashaan, raguna ay ku dareemi karaan dhibka ay u gaystaan haweenka.