Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa maamulka Puntland ee Somaliya ku eedeeyay inay dhul balaadhsi ku wado deegaanada Somaliland.
Faysal, oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu sheegay in Puntland soo durkisay kaantaroolkii Garowe oo ay soo gelisay xadka Somaliland 30km, “Waxaan shacabka iyo dawladda Somaliland u sheegayaa in maanta ay Puntland xadkeenii 30km soo galeen, hal qofna ku dhintay oo reer Somaliland ahi, maanta dadkii jeclaa ee odhan jiray reer Sool maxay u noqon waayeen Somaliland, maanta ayay inoo baahanyihiin, qaranimadeenii khatar ayay ku jirtaa, shacabkeenii khatar ayay ku jiraan, dhul fidsi ayaa la bilaabay, dhulkii ay Garowe ku fadhiday ayaa la soo durkinayaa, sababtoo ah halka ay madaxtooyada Puntland ka dhisantahay iyo xadkeenu waxay isu jirana, 30km.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu baaq u diray dawladda Somaliland, “Dawladu waa inay si dhaqso ah uga jawaabtaa, shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay waa in la is garab taagaa dadka reer Sool.”