Shacabka Oo U Sacabo Tumay Magacaabista Danjire Aadan Muuse Jibriil

0
629

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wakiilka Somaliland ee Itoobiya u magacaabay Danjire Aadan Muuse Jibriil.

aaaaaaaaaaaaaa

Danjire Jibriil, oo wakhtigii Daahir Rayaale Kaahin ahaa wakiilka Somaliland ee Ingiriiska, ayay shacabku magacaabistiisa soo dhaweeyeen, waxaana rayul caamka guud ee bulshada Somaliland laga dareemay in magacaabista Aadan Muuse Jibriil tahay masuulka keliya ee ay inta badan rayul caamku aragti isku mid ah ku soo dhaweeyeen xilka loo magacaabay.

Goobaha siyaasadda lagu falanqeeyo iyo baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa tan iyo markii ay digreetada magacaabistiisu soo baxday, waxa ka dhex muuqday in shacabku qalbi furan ku qaabilay in Aadan Muuse Jibriil loo magacaabo wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Aadan Muuse Jibriil, ayaa geesta kale ah aqoonyahan wax badan kala socda arrimaha ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sameeyaa daraasaado iyo qormooyin badan oo qaar badan oo ka mid ah ay xarumo caalami ahi soo xigtaan.

Aadan, ayaa noqonaya wakiilkii saddexaad ee uu Madaxweyne Siilaanyo dalka Itoobiya u magacaabo lixdii sannadood ee uu xilka hayay, waxaana la aaminsanyahay in danjire Aadan xoojin doono xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.