Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Suuq Madoow Ku Maamulayso Khayraadka Wadanka

0
492

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka ee golaha wakiilada Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi , ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay ka cago jiidayso inay golaha wakiilada horkeento heshiisyada ay la gashay shirkadaha macdan baadhista iyo hawlaha shidaal qodista ku hawlan. Waxaanu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay suuq madoow ku maamulayo arrimaha khayraadka dalka.

Xildhibaan Siciid, wuxuu sheegay inay shirkadaha shidaal baadhista iyo hawlaha macdanta la xidhiidha dalka ka wadaa, ay sharci darro dalka ku joogaan, mar haddii aanu golaha wakiiladu ansixin heshiisyada ay xukuumadda Somaliland la galeen. Xildhibaan Siciid oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi  “Waxaan ugu horayn aad iyo aad uga xunahay qaabka ay wax u socdaan ee baadhista macdanta iyo shidaalka, taas oo marka laga yimaado inaanay qaab sharciya oo nidaamkii dalka  ah aanay u marin shirkadaha halkan yimid, haddana ay muuqato shaki badan oo ah dano guracan oo shirkadaha qaarkood ay leeyihiin. Taasina waxa laga shaki bixi lahaa haddii jidka sharciga ah la marsiiyo oo golaha wakiilada la horkeeno oo uu baadhis iyo daba gal ku sameeyo.”

Isagoo xildhibaan Siciid hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Tusaale ahaan shirkadaha qaarkood dalka waxay joogeen 10 sanno oo ay  dhulka qaarkood lahaayeen, 10kaas sannadood dawladuhu heshiis sannad sannad u qaybsan ayay kula galaan, sannad waliba waxay qabanayaan waa la ogyahay. Qof kasta oo reer Somaliland ahi  wuu ka markhaati kacayaa inaanay wax muuqda qaban.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in shirkadaha dalka joogaa ay iibiyaan baloogyada ay baadhista ka wadaan, si  sannadka dambe ay shacabka isugu tusaan inay yihiin shirkado cusub “Waxa ka sii daran mar walba shirkad shaadh cusub loo soo geliyay oo kuwii hore ee wax qaban waayay ay la midoobeen oo qaabka ay ula midoobeen aan la garanayn oo golaha iyo shacabku aanu la socon, taasi waxay muujinaysaa in khatar faro badani ku soo foogantahay mustaqbalka khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena. Qodob kale oo muhiim ahi wuxuu yahay shirkadaha 10 sannadood iska lahaa baloogyada  ee haddana ka sii iibiyay dawlado iyo shirkado, waxay su’aalo  ka imanayaan  qaabka ay u iibiyeen iyo lacagta ay siiyeen. Hantidaas Somaliland waxay ku lahayd wax war ah oo laga hayo iyo wax hanta  oo dalka ka soo gashay oo miisaaniyadda iyo xisaab xidhka ku qorani midna ma jiro.”

Xildhibaanku, wuxuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay fulin kari weyday balanqaadkii ay ololaha doorashada ku gashay ee ku salaysnaa inay heshiisyada ay shirkadaha shisheeye la gasho golaha wakiilada horkeeni doonto. “Xukuumadda maanta jirtaa  markay ololaha ku jirtay balanqaadkii  ay ololaha ku gashay ee ay dawladihii Rayaalena ku eedayn jirtay waxa ka mid ahaa inuu heshiisyo qarsoodi ah la galo shirkadaha, kuwaas oo aanay umadda iyo golaha wakiiladu ogayn, waxaanay buugaas KULMIYE ku balan qaadeen inay heshiisyadaas qarsoodiga ah golaha wakiilada horkeeni doonaan. Laakiin taasi may dhicin. Waxa haddaba imika yaab ku noqotay umadii xisbigaas sidaas ku ololeeyay ee ka dhigtay muhiimadda koowaad inuu ku soo indho  cadyahay inaanu goleyaasha keeni doonin meel madowna ku maamulayo arrimaha khayraadka. Waxaan halkan baaq uga dirayaa umadda Somaliland inay si wada jir ah u ilaashadaan khayraadkooda oo ay muuqato in si guracan hadda loo maamulayo, marka labaad shirkadaha shisheeyaha ah waxaan uga digayaa in qaabka sharci darada ah iyo boobka ka soo muuqda meeshan aan lagaga hadhi doonin aanuna la xidhiidhi doono dawladahooda iyo cida kasta oo awood u leh oo wax nagala qaban doonta sidii sharciga loo horkeeni lahaa shirkadahaas. Waxaan shirkadahaas u sheegayaa inaanay u arag waxa ay wada saxeexdeeen xubno ka mid ah xukuumadda inuu yahay heshiis balse uu yahay isfaham guud oo aasaas u noqon lahaa heshiis dhammaystiran. Heshiiska dhammaystirka ahina yahay midka uu golaha wakiiladu bixiyo.”

Xildhibaan Siciid oo la su’aalay bal inay wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, arrimahan kala hadleen, wuxuu yidhi  “Wasiirka xafiiskayaga  ayaanu isku aragnay isagaana u yimid inuu nagala murmo oo uu  na yidhaahdo keeni mayno heshisyadaas, wuxuuna yidhi adduunka kumaan arag meel la keeno goleyaasha heshiisiyada.”

Ugu dambayn wuxuu xildhibaanku shirkadahaas ku eedeeyay inay cadaalad darro ka bilaabeen gobalka Togdheer.  “Sharci daradu  waxay dhashaa cadaalad darro, cadaalad darana waxay keentaa ciilqab, ciil qabna wuxuu dhalaa colaad. Waxa muuqata shirkadahaas  horaantoodii ee jooga Togdheer inay isku dhufteen umaddii reer Somaliland oo shaqadii ay qoranayeen inay si cadaalad darro ah u qaybiyeen, cadaalad daradaasina waxay ku imanaysaa sharci darada ay dalka joogaan.”