Ramaax Oo Ka Hadlay Weerar Lagu Qaaday Oo Ay Isaga Iyo Badhasaabka Cusub Ee Sanaag Ka Badbaadeen

0
612

Picture6

Ceerigaabo (Geeska)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), iyo Badhasaabka  cusub ee Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ayaa weerar lagu qaaday, kadib markii loo galay Magaalada Ceerigabo duleedkeeda.

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cabdii Saleebaan (Ramaax) oo markii weerarka lagu qaaday uu la socday Badhasaabka cusub ee Gobolka Sanaag, ayaa isagoo u waramay telefishanka  Bulsho TV yidhi  “Niman yar yar oo daydaya, ayaa na soo weeraray, oo laba Ciidanka Qaranka ka mid yihiin, Laba Nin oo runtii waaweyna way wateen, Saddex Qor iyo Gaadhi ayey wateen, waxa aan u mahadnaqayaa ILLAAHAY, mar labaadna Ciidanka Booliska, oo intii ay nala socdeen si fiican uga hawlgalay, dhammaantoodna waa la qabqabtay”.

Badhasaabka Awdal Ramaax oo wax laga weydiiyey sababta ay weerarka u soo qaadeen Dhalinyaradani ayaa yidhi “Walaahi ilaa hadda baadhitaan ayaa socda, keligayna maan ahayn ee aniga iyo Badhasaabka kaleba wey na weerareen, isku gaadhi ayaanu fuushanayn,Gaadhigii aanu fuushanayn ayey weerarka ku soo qaadeen Nimanku, Ciidanka Booliska ayaa  si fiican uga hawlgalay, Nimankiina Gacanta ayaa lagu hayaa,baadhis ayaana loo diray, wax weyna maaha, waa wax dhici jiray, dhici doonana, Ciyaal khaldamaa meel walba wey joogaan,weyna iska dhammaan doontaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Ramaax yidhi  ‘Walaahi wax gaar ah oo aan u aaneeyo oo Inamadaas naga dhexeeyey garan maayo,baadhis ayaa socota, baadhista ayaana sugaynaa, kama hor dhici doono, iyaga gaadhigoodii yo qoryaha ay siteenba waa la qabtay, jidka ayay noo galeen waanan dareenay, laba jeer ayey isku dayeen inay na kala dhex galaan,laakiin umay suurtagelin, Ciidanka Booliska ayaa arkay dhaqdhaqaaqa oo dib noogu soo noqday, markii ay gaadhiga ka dageen ee ay qoriyaha la baxeen ayaa gacanta lagu dhigay”.