Faysal Cali Waraabe Oo Ka Sheekeeyay Waayihii ololihiisa doorashada

0
802

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay khudbad dheer ka jeediyay xaflad loo sameeyay urur siyaasadeed lagu magacaabo NDB (Nabadda, Dimuqraadiyada iyo Barwaaqada) oo ay ku dhawaaqday Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Faysal Cali Waraabe

Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka sheekeeyay caqabado kala duwan oo uu bulshada Somaliland kala kulmay mudadii uu ku jiray ololeyaasha siyaasadda, waxaanu sheegay inaanay umaddu siyaasiyiinta codka ku siin hadba barnaamijyada ay soo bandhigaan balse ay ku doortaan in gacmaha wax loogu shubo “ Qofkii wanaagsan wanaag buu doonayaa, inuu wanaag ku soo baxo ayuu doonayaa, waxuu keenayaa rayi fiican laakiin dadkii waxa uu noqday iska hunguri raacoo waar halkan wax noogu rida ayuunbaa la odhanayaa, markaa Foosiyi waa inay lacag badan ugu soo talo gashaa, tacliin iyo Barnaamij iyo kitaab iyo sune rasuul (SCW) anigaa kaga quustaye.” Ayuu idhi Faysal, isagoo ka hadlaya safar uu Burco ku tagay wuxuu yidhi “ Burcaan bari tagay oo markaasaan shan jeer ku noqday odayaasha reer Burco la fadhiistay, markaasan ku idhi Burco sidanaan ka samaynayaa Boolis fiican ayaan u samaynayaa, wadooyinbaan u samaynayaa, odayaashii baa bari danbe la yidhi maxaad foodka u siin waydeen, markaasay yidhaahdeen mar qudha nalamuu hadal, waar sowtaan shanta jeer idiin imid, waxay yidhaahdeen marna nabaad odhan nin garxajisa ayaan ahaye foodka I siiya.”

Wuxuu intaas raaciyay “ Foodkii dhawaytaan tagayoo labaatan cashaa nala siiyay in aan ku kaanbayn garayno afar iyo toban maalmood ayaan ku qaatay reer Burco, markaasan galgashay oo galgashay oo aan galgashay oo markaasaan gabayada ma  aqaanee kuwo aan soo xafiday u tiriyay, foodkiibaa dhacay Burco iyo Ceerigaabo meelaha aan ugu hooseeyay ayay noqdeen, markaa qabiilna wax kugu siin maayaan daacad kugu siin  maayaan, baabacada noogu rid ayay ku odhanayaan markaas taas waa in lagu soo talo galaa.”

Wuxuu ka digay inaanu dalka wax horumar ahi ka tisqaadi doonin ilaa inta ay bulshadu aragtideeda ku qiimaynayso dhaqaalaha la siiyo“Intay baabacadaas jirtana waxaad ogaataan in aanay Somaliland Biyo helayn, shaqo ardaydu helayn, Dugsiyo helayn, caafimaad helayn, sababta oo ah nin aad foodkii ka iibisay dee lacagtii ka gashay ayuu soo ceshanayaa, waxuu qabanayaa ma jirto, dhulkiibaad cunteen, sabuuradiibaad cunteen, dawadiibaad cunteen, wadadiibaad cunteen,  waaba laydin siiyay, waxiiba waa laydin siiyay markaa waxii buu soo urur sanayaa.” Ayuu yidhi.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka sheekeeyay xaaladaha ay ku suganyihiin gobalada bari ee dalka gaar ahaan gobalada Sool iyo Sanaag. Wuxuu ku baaqay in la toosiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “ Dawlada, Salaadiinta, Shacbiga  Siilaanyo hala toosiyo oo hala yidhaahdo waar wadan kii waa uu sii socdaaye dee adeer heedhe wadanku Riyaale Siilaanyo ku bedel may ahayne isbedal iyo tayo in la sameeyo weeye, haloo gurmado wadankii meel xunbuu marayaa, igamana aha mucaaradad ee waa iga lexe jeclo.”

Wuxuu baaq nabadeed ka diray dhibaatada ka soo noqnoqotay deegaanka Ceelbardaale, waxaanu bulshada Awdal ugu baaqay inay muujiyaan samir oo ka war sugaan xukuumadda.