Dacwad U Dhaxaysa Xildhibaan Garaad iyo Gen. Nuux Taani

0
777

Hargeysa(Geeska)-Taliyihii hore ee ciidamada qaranka Md. Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hor intii aan xilka laga qaadin xeer ilaalinta u gudbiyay dacwad ka dhan ah xildhibaan Maxamuud  Axmed Barre (Garaad) oo ka tirsan golaha guurtida.

Xildhibaan Garaad, ayaa hore ugu eedeeyay taliyihii hore ee ciidamada qaranka inuu ku lug lahaa dilkii toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Seemaal, waxaanu codsaday in xilka laga qaado. Hase yeeshe Nuux Ismaaciil Taani oo ka jawaabay eedayntaas ayaa xeer ilaalinta u gudbiyay dacwad ka dhan ah xildhibaanka isagoo dalbaday inuu ku cadeeyo dambiga uu ku eedeeyay. “Hadalkaas aad tidhi maxkamdaan u gudbiyay waana inoo maxkamda anigu sidaada hanjabimaayee laakiin sharciga ayaan marayaa, hadal xuna ku odhan maayo adigoo xeerdajinta ka tirsan hadalkaas oo kale ku odhan maayo oo aan ku wada jirno maamulka, taasuna waa sharciga ee waa inoo maxkamada, inaad igu cadayso waxaan ahay amba aad iga raali galiso adigay kuu taalaa.” Sidaas ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani oo maalmo ka hor saxaafadda la hadlay.

Dacwadan u dhaxaysa labada masuul ayaa haddii aan lagu dhammayn wada hadal, waxa la filayaa inay maxkamadda ka bilaabanto ka dib marka uu Nuux Ismaaciil Taani xilka wareejiyo, waxaanay noqon doontaa dacwad soo jiidata indhaha bulshada maadaama oo ay ku xidhiidhsantahay arrin xaasaasi ah oo sababtay in Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaado taliyihiisii ciidamada qaranka taas oo ah dilkii toddobaadkii hore ka dhacay Deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Gabiley iyo Baki oo lagu dilay saddex muwaadin oo aan waxba galabsan. Bulshada Somaliland ayaa si weyn u cambaaaraysay dilkaas iyagoo xukuumadda ugu baaqay inay soo qabato dadkii falkaas gaystay si sharciga loo horgeeyo.