Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Maxamed Xaashi Iyo Magacaabista Samaale Iyo Is-Barbar Dhiga Uu Lbadoodu Ku Sameeyey

0
546

faysal cali waraabeHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadista uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku sameeyay wasiirkii maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo weliba go’aanka uu ku magacaabay inuu xilkaas qabto Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga Boqor Cismaan Buurmadoow.

Md. Faysal, oo isagoo jooga dalka Finland xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inuu ammaan u hayo Eng. Maxamed Xaashi, oo uu sheegay inuu kor u qaaday miisaaniyadii qaranka, waxase uu sheegay inuu Madaxweynuhu yahay masuulka uu distoorku xaqa u siiyay maamulida golihiisa xukuumadda.Tan bedelaada madaxweyne kastaa xaq buu u leeyahay inuu isku shaandhayn sameeyo, qofkasta oo mutaystaana xaq buu u leeyahay inuu wasiir noqdo, Maxamed Xaashi amaan baan u hayaa maxaa yeelay markii madaxweyne Siilaanyo dalka la wareegay waad ogayd oo qasnaduu way casaayeen, muddo yar buu kaga saaray casaankii, miisaniyadii kontanka milyan dhaafi wayday ayuu boqol milyan gaadhsiiyay.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay “markaas anigu aad iyo aad baan ugu hayay kalgacal, shaqadiisiina waa uu ka soo baxay, xukuumada Siilaanyana wasaaradaha la majeerto ee aad iyo aadka loogu kalsoon yahay ayuu kamid ahaa markuu wasiirka maaliyada ahaa. Laakiin  madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu isagu isku shaandhayn samaysto, waana awood dastuurku siiyay, laakiin Maxamed aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa sida uu u kobciyay qasnada dawlada insha allaahuna taariikhdaa qori doonta.”

Faysal Cali Waraabe, oo la weydiiyay sida uu u arko inuu xilkasa qabto Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu yidhi “Samaale waa nin qaban kara meeshaas, inkasta oo aanu lahayn khibrad maaliyadeed, haddana shaqsiyan waa nin qaban kara, isagana waxaan leeyhay meeshaas loo dhiibay illaahay haku asturo, qofkasta oo muwaadin ahna xaq buu u leeyhay, inuu ka badiyo intaas baan fili doonaa, markaas waxaan leeyahay ilaahay haku guuleeyo.”

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe, wuxuu ku taliyay in la sii daayo Boqor Cismaan Buurmadoow, oo uu sheegay inuu xadhigiisu tafaraaruq ku keeno karo dalka, “Waxaan ku talinayaa oo aan soo jeedinayaa in Boqorka la soo daayo, waayo xadhigiisu wax macno ah ma soo kordhinayo aan ka ahayn tafaraaruq.” Ayuu Faysal yidhi.