Wareysi Gaar Ah Oo Aan La Yeelaney Mujaahid Cali Gurey

0
532

 

xafladii-soo-dhaweynta-udub-1 (1)Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa beelaha walaalaha ah ee degen Ceerigabo ee ay dilalku dhex mareen ugu baaqay inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafkooda islamarkaana ka dheeraadaan inay dhiig dambe daadiyaan.

 

Cali-Gurey, oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika,waxa kale oo uu ka hadlay ururada siyaasadda ee cusub ee soo kordhay oo uu tilmaamay inaanay isbedel mug leh soo kordhin marka laga reebo calaamado iyo magacyo ay samaysteen, isagoo xisbiyadii horena ugu baaqay inay la yimaadeen dedaal si ay mar kale u noqdaan xisbiyo qaran. Cali-Gurey, wuxuu waraysigaas ku sheegay in wasiirada xukuumadda Somaliland qaarkood ay hayso khibrad yaraan iyo xog la’aan ku saabsan hanaanka ay Somaliland wax u soo dhisatay una soo xalisay khilaafaadkii soo waajahay labaatankii sannadood ee ay xorta ahayd.

Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Ugu horayn waa maxay baaqa aad u dirayso beelaha wada degan magaalada Ceerigaabo ee uu khilaafka dagaalka sababay ka dhex taaganyahay?

Waxa aan leeyahay Colaad iyo dagaal waxba ma taraan Somali intii ka dhiman lahayd waa ay ka dhimatay, waxan  ugu baaqyaa inay nabad dagdag ah ay qaataan xasilonida iyo nabad kuwada noolaanshaha beelahuna ay noqdaan mid aad loo adkeeyo, runtii waxaan laga heshiin karin ma jiro inta dhacday laftigeeda xal ayaa loo helayaa dagdaga, laakiin waxa loo baahan yahay in aan marka hore arimaha la sii murginin oo dee cadaw badan ayaan leenahay oo waa laysku keen soo hoos gali karaa uun waana laysku dhufan karaa beelaha uun,  dee wax badan oo ay runtii tahay in laga digtoonaado ayaan  ku talinyaa in ay ka digtoonaadaan. Wixii dhintayna waxaan leeyahay illaahay haw axariisto, ehelkoodiina samir iyo iimaan ha kasiiyo.

Waxa ay dadka qaar aaminsanyihiin  in xumukada haddu  gobalada bariga aanay amaankood xoojin oo wax ka dhiman yihiin arintaas adigu sideed u aragtaa?

Runtii waan qabaa inay jirto oo dhacdooyinkii intii imika sanad iyo xoogaaga ahayd ayaaba inooga markhaati furaaya,  ismana lihi xumumadu waxbay hagranaysaa maadaama oo ay xukuumad cusub ay tahay raga ku jiraana ay dad wada cusub oo aan xaaladaheena iyo arimaheena iyo qaababkeena khilaaf xalinta iyo dee wax badani ay ragga badankooda ay ka dhiman yihiin, haddana kolay anigu waxaan filayaa wasiirka arimaha gudaha inuu intii  karaankiisa ah uu dadaalaayo  isaga iyo Xaabsade iyo raga ku jirana waxaan leeyahay alle hala garab galo.

Laakiin imika wasiiradu badankoodu waxay u badan yihiin kuwo wasaarada ay u xil saaran yihiin oo qudha aad moodo inay isku koobeen oo arimaha siyaasada ee nabadgalyada saamaynaya oo ka xaasaasiya inaga in aad loogu feejignaado ayaad moodaa in ay aad wax uga dhiman yihiin xaga khibrada iyo waayo aragnimada.

Xisbigaad afhayeenka u hayd ee UDUB waa kii shirwaynaa golaha dhexe qabsaday dhawaan ee arintiisii xagay ku dambaysay?

Waxay maraysaa uun bay aniga ila tahay cidi uma maqna ceelna uma qodna, waxaana aynu ognahay inay doorashooyin ay soo food  leeyihiin, waxaynu ognahay in shuruucdan danbe ay ku jiraan qodobo badan oo shuruudo u ah in lagu eego xeerkan 14 iyo shuruudaha ay soo wadaan guddida diiwangalinta iyo kala saarida axsaabtu. Markaa dadaalka haddii xisbi iyo ururba gaar ahaan xisbiyada hore haddii aanay dadaal samayn oo aanay dadka wax ay ka iibin karaan u soo bandhigiin oo aany gudahooda dimuqraadiyad ku dhamaynin muuqata oo  aan dadaal la samayn anaga dee waa ay maqan yiihiin imika hoggaankii sare  waxa jooga Axmed Yuusuf Yaasiin oo qudha waxan qabaa Axmedna inuu dadaalayo intii karaankiisa ah, laakiin dadaal intan ka badan ayaa loo baahan yahay ayaan qabaa.

Wali iyada oo aan ururadii la diiwan galin ayaa ay haddana olalahoodii  gobalada ka bilaabeen ururada qaarkood. Arintaasu siday kuula muuqataa?

Horta anigu markayga horeba ururada waxaan u arkaa wax ay dadku xaq u leeyihiin,  imika wax mooda in loo furay tobankii sanadoodba mar, laakiin markaan anigu xaga dastuurka oo aan waligayba ka taageersanaa ka eego dadku waxay xaq u leeyihiin inay isu abaabulaan ururo siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee imika anigu kaanbayn uma arko dee waxaan u arkaa in badankoodu aanay ahaynba ururo dad isku wada yimid oo fikir cusub wata oo wada socda ee aad moodo qaar badan in ay shaqsiyaad uun ku dhawaaqayaan, waxa haboonaan lahayd inay hoos u shaqaystaan oo marka ay lugaa isku taagaan ee ay gobal walba maraan ee ay xafiisyada oo dhan furtaan ee wax muuqan kara ay noqdaan ay markaa is muujiyaan, laakiin qof mikirifoon qaatay oo xoogaa dadana meel ku soo ururiyay oo magac iyo calaamad uun soo kordhiyay, waxbadan soo kordhin maayo, laakiin umalayn maayo xuquuq ahaan wax u diidayaa inay jiraan.