Faysal Cali Waraabe Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shirka Turkigu Qabanayo

0
570

 

Picture5Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in la balaadhinaayo gudidii wadahadalada Somaliya la galaysay, isla markaasna  ay u duuli doonaan dalka Turkiga oo marti galinaaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Faysal Cali Waxa uu sheegay in dalka Ingiriisku markii shirkii Somaliya ay Somaliland ka soo hor jeesatay aanu danaynayn in uu wada hadlaadaas marti galiyo, waxaanu soo dhaweeyay marti galinta Turkiga oo uu ku tilmaamay mid aan mawqifka Somaliland  waxba yeelayn laakiin gogasha uun fudisay.

Faysal waxa uu xukuumada ugu baaqay inay dadka shakiga ka saaro taladana balaadhiso, waxaanu si cad u sheegay in hadii shirkaas Somaliya la’la yeelanayo ay koox xukuumada ka tirsani kaligeed gasho inuu shandadiisa ka soo qaadan doono goobtaas, waxaanu mucaaradka ugu qalbi qaboojiyay inay is dajiyaan uuna u soo gubin doono wax kasta oo wadahadalkaas lagaga wada hadalo, uuna meel adag iska taagi doono ilaalinta karaamada Somaliland.

Waxa uu sidan gudoomiye Faysal Cali ku sheegay mar uu la hadlaayay qayb kooban warbaahinta ka tirsan . Waxaanu ugu horayntii isaga oo sharaxaad ka baxinaaya kala duwanaashaha shirka Somaliya loo qabanaayo ee Somaliland qaadacday iyo wada hadalka uu yhidhi “ Waxaad moodaa inuu dadka wareer ka galay arimahan shirarka, madaxweynahu markuu lahaa shirkaas London ka qaybgali mayno waatii aynu isku wada raacnay xisbigaas kale maahaane inteena kale ee aynu nidhi waa mawqif wanaagsan, waxa uu ahaa shir aynaan  maamuus ku lahayn oo labada dal ka loo qabanaayo iyo ka qabanaaya ayaana wada gudoominaaya  qaadacaadaasu taas ayay ahayd inaguna meel aynu ka soo galaynaa may jirin. Haddana markuu yidhi wasiirkii wadahadalkii ayaynu ka qaybgalaynaa dad badan ayaa eedeeyay oo yidhi marna waxa uu leeyahay waynu ka qayb galaynaa marna ka qaybgali mayno, labadan shir waa kala jaad kan aynu ka qaybgalaynaa waa keenii markhaatiga lahaa ee madaxweynayaashu ku saxeexeen Dubai qodabadan ku soo   dhamaynay London, midna waa kaas aan idiinka sheekeeyay, anigana waxa isoo gaadhay hadalo badan oo la leeyahay Faysal dawladii ayuu amaanay oo uu la socdaa mid baan idiin sheegayaa horta dawlada idinka ayaa doortay hadii dawlada aad doorateen aydaan ku kalsoonayna marka horeba inaad doorataan may ahayn, dawlada waxaan ku taageeray safarkaas Dubai ee sareeyay iyo kii turkiga oo muhiim ahaa.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Madaxweynahu waa uu noo yeedhay waxaanu yidhi isku keen keena gudidii shirkii hore gashay, markii uu noo yeedhay ee la yidhi waxa la tagayaa Turkiga oo waa la sii arinsanayaa anigu markiiba waxaan bilaabay inaan dadka mucaaradka ah la sii arinsado qodabo aan soo diyaariyay  ayaan tusay habeenkii markaanu kulanay oo aan idhi waar talada laysugu keen yeedhay waxii qodabadaas aynu isla garano iyo waxii lagu daraayoba aynu la tagno shirka Turkiga, todobadii qodab ee aan tusayna waxay yidhaahdeen meel looga baydhi karaa ma jirto.Markaanu madaxweynaha ugu tagnay markaas waxa la fadhiyay afar wasiir markii horena gudidayadii London waxaanu ahayn saddex wasiir iyo aniga iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka waxaana lagu soo daray imika wasiirka cadaalada , waxaana naloo sheegay in la balaadhinaayo gudidii oo wasiirkan cadaaladu ka mid yahay inta lagu soo kordhiyay inta kalena la soo sheegi doono isniintana hadii alle yidhaado la dhoofayo madaxweynuuna raacayo.”

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaaya waxii ay is waydaarsadeen madaxweynaha iyo gudidu waxa uu yidhi“ Waxaana lays waydiiyay maxaynu la tagaynaa iyo kuwa inaga hor imanayaa maxaa maskaxdooda ku jira iyo hore maxaad isula qaadateen, qodabadan aan keenay iyo qodabada ay iyagu keenayaan ( Xukuumad ahaan ) in laysku daro oo laga soo saaro mawqifka Somaliland ay wadahadalkaas la tagayso.”

Waxa uu niyad wanaag gudoomiye Faysal Cali u muujiyay dalka Turkiga oo uu sheegay si kasta oo uu midnimada Somaliya u taageersan yahay hadana in aanu soo dhaafayn gogasha marti galinta ee uu dhigay “Waxa meesha taala maxaynu Turkiga u ogalaanay maadaama oo uu cadaystay in uu Somaliweyn taageersan yahay waana su’aal muhiim ah, waxaanan taas anigu u arkaa in wadankii arinta buddhiga u ahaa ee Ingiriisku inuu danaynaayay in aynu ka soo qabgalno shirkaas uu qabanaayo ee Somaliya oo aan ahayn maqaam  keenii, markaas hadii dawlada Turkigu ay ogalaatay wadahadalkeenii oo wadadiisii haysta waxaan u arkaa in aanay wax dhibaato ah lahayn waayo isagu waxa uu inoo fududaynayaa wadahadalka oo  gogasha ayuunbuu dhigayaa, laakiin dadka wada hadlayaa waa inaga iyo Somaliya cid ina qasbaysaana ma jirto.Wax cadaadis ah oo Turkigu ina saari karaa ma jirto, isla markaasna waxaanu ku nidhi soo casuuma  wadamadii kii hore ka markhaatiga ahaa, hadii ay iyagu iman kari waayaana safaaradahooda ka furan Turkiga ha ahaadeen goob joogayaal taasina waa mid aanu gacanta ku dhigayno insha allaah. Waxa jira siyaasiyiin badan oo uu mugdi kaga jiro arimahan waxaanse u sheegayaa in aniga iyo xisbiga UCID waxii meeshaas ka dhaca aanu u soo sheegi doono, waxii Somaliland sharafteeda iyo xurmadeeda wax yeelaynayna meel aan joogo   lagu ogalaan maayo.dadbaa yidhi hudheel ayaa laydinkaga tagayaa, hadii hudheel laygaga tago shandadayda ayaan hore ka soo qaadanayaa, waliba waxaan sheegayaa in aan kaligay ahay mucaarad, xataa hadii lagu soo daro Cabdiraxmaan Ciro dawlada ayuu ka mid yahay oo waa gudoomiyahii baarlamaanka, mucaarad oo dhana maanta aniga ayaa ka soo jeeda, markaas waxaad igu ogaataan in aan agtayda la keenayan wax Somaliland wax yeelaya iyo in aanan ogalaanayan in koox yar oo isku dawlad ah aanay aayaheena inay gacanta ku dhigto. Waxaanan dawlada leeyahay dadku shaki badan ayay qabaan waxaana keenaya taas hadii taladu ururto oo ay inyar ku ururto shakigu waa uu bataa waxaanad moodaa dawladan uu maanta Siilaanyo ka madaxda yahay in taladu ay meel yar ku urursantahay, waxaanan leenahay talada in la balaadhiyo oo dhex dhexaad la noqdo ayaa loo baahan yahay. Shacbigana waxaan leeyahay iyaga ayaa la doortay oo maandhaydkii haystee hala aamino.”