Madaxweynihii Hore Oo Laga Reebay Ergada Somaliland Uga Qayb Galaysa Wada Hadalka Uu Turkigu Abaabulayo

0
628

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, ka reebay shirka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee ka furmaya dalka Turkiga.

Inkastoo aanay xukuumadda Somaliland weli baahinin magacyada ergada Somaliland uga qayb galaysa shirkaas, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in madaxtooyadu madaxweynihii hore ka reebtay ergada Somaliland ka socota, isagoo Madaxweynihii hore ka mid ahaa ergadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ku wehelisay shirkii kal hore ay isku horfadhiisteen Sheekh Shariif ee ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa inkastoo uu Madaxweynaha wakhtigan iyo xisbigiisa KULMIYE ay eedaymo culus u jeedin jireen, haddana wuxuu caan ku ahaa inaan marna lagu xaman jirin inuu ka soo dabcay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweyne Silaanyo iyo ergada uu u xushay inay ku weheliso shirka Turkiga, ayaa la filayaa inay isniinta beri dalka ka ambobaxaan, waxase la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo kaga sii hadhi doono dalka Itoobiya, balse uu wakhti kooban ka dib ka daba tagi doono.