Xisbiga Wadani Oo Qaadacay Shirka Turkiga

0
605

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa qaadacay shirka Turkiga ee ay xukuumadda Somaliland abaabulayso ka qayb galkiisa.

Afhayeenka xisbiga Wadani xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in xisbiga wadani shirkaas u arko mid aanay Somaliland waxba uga soo kordhayn, marka la eego mawqifka Turkigu ka qabo qaddiyadda Somaliland. “Wax uu shirkaasi soo kordhinayaa ma jiro, sababtuna waxa weeye mawqifka Turkiga ee ku waajahan midnimadii Somaliya oo uu si weyn taageersanyahay, wadanka laba dal dhexdhexaadinayaana waxa waajib ah inuu dhex ka yahay arrimaha la isku hayo. Sidaas daraadeed shirkaasi maaha mid midho dhal ah.” Ayuu yidhi xildhibaanka oo u waramay warbaahinta.

Ibrahim Mahdi Buubaa, oo la weydiiyay bal inay xukuumadda ku wehelin doonaan haddii ay ku soo darto ergada shirkaas, wuxuu si cad u sheegay inaanay shirkaas sinaba uga qayb geli doonin haddii ay yihiin Wadani, mar haddii ay arkaan khataraha uu soo wato.

Xukuumadda Somaliland ayaa qorshaysay inuu xisbiga Wadani ka mid noqdo ergada shirkaas uga qayb galaysa Somaliland, laakiin xisbiga Wadani ayaa u muuqda inuu mawqif adag ka qaatay ka qayb galka shirkaas.