Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Maalintii Labaad Daansha-daanshonaya Taleex

3
648

Picture1Taleex(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Puntland General Cabdisamad Cali Shire, ayaa shalay mashaariic kala duwan dhagax dhigay degmada taleex ee gobalka Sool ee bariga Somaliland.

Mr. Shire, oo labadii maalmood ee u dambeeyay daansha-daanshoonayay degmada Taleex, ayaa shalay kormeer ku tagay meelo ka mid ah gudaha magaalada sida Qalcadii Sayidka iyo dhulal kale. Waxaanu dhagax dhigay mashaariic ay ka mid yihiin Ceel biyood ay dhisayso hay’ada Bisha Cas ee Dalka Kuwait, sidoo kalena kormeer ku tagay xarunta caafimaadka ee degmada oo dhakhaatiirta ka dhageystay warbixino ku saabsan caafimaadka.

Mr. Shire, wuxuu noqday masuulkii u horeeyay ee ka socda Puntland ee uu heerkiisu sareeyo oo si badheedh ah u dhex yimaada deegaano ka tirsan Somaliland. Xukuumadda Somaliland may qaadin wax talaabo ah oo ay kaga hortagayso booqashada madaxweyne xigeenka Puntland, waxase ay hawada u marisay hanjabaad iyo cambaarayn.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay sugto xuduudaha dalka, isagoo maamulka Puntland ku eedeeyay daandaansi iyo xasarad abuur.

Comments are closed.