Faysal Cali Waraabe Oo Canaan Ku Sagootiyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ee Wakhtigoodu Dhamaaday

0
446

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorashadii Shalay loo dareeray soo afjari doonto Golaha Wakiillada ee uu wakhtigiisu dhamaaday, kaasi oo uu ku eedeeyay fadhiidnimo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta la hadlay markii uu Codkiisa dhiibtay, ayaa yidhi “Waxaynu maanta soo afjarayna baarlamaanki igu wakhtiga dheeraa uguna tayada xumaa Adduunka”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in Golaha Wakiillada ee wakhtigiisu dhamaaday uu dalku dhibaato ku qabay “Dhibaato ayuu dalka ku noqday, Alle qaar khayr qaba ayuu inoogu badali doona” ayuu hadalkiisa ku daray

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale golaha wakiillada ee hada jooga ku eedeeyay in ay galeen danbiyo musuq maasuq “Xaaran bay cuneen oo calooshooda dhuxulo daba ayay ka buuxiyeen wayna nu ka daba tagi doonaa” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office