Doorashada: Xilligii La Xidhay Goobihii Cod-bixinta, Tirinta Codadka Oo Socota Iyo Dadweynaha Oo U Dheg-taagaya Natiijada

0
438

 

Hargeysa (Geeska) – Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa Shalay Subaxdii hore looga dareeray Cod-bixinta doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo hal mar la wada qabtay.

Doorashadan oo noqonaysa tii koowaad ee nooceeda ah ee ka dhacda Somaliland isla-markaana ay isku diwaangeliyeen Cod-bixiyeyaal ka badan 1 Milyan iyo 2 boqol oo kun oo Qof, ayaa shalay si rasmiya Shacabku codkooda uga dhiibteen, iyagoo soo dooranaya Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Xildhibaannada Goleyaasha Deegaannada.

Doorashadan oo goobaha Codka laga dhiibanayaa gaadhayaan 2,709 Goobood oo ka kala tirsan 23 Degmo doorasho ee dalka oo dhan, ayaa si Nabadgalyo ah ku bilaabantay, kuna soo xidhantay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka JSL.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka oo markii ay codkooda dhiibteen la hadlay Saxaafadda, ayaa ka warramay dareenkooda la xidhiidha doorashada isku sidkan, waxayna dadweynaha u soo jeediyeen inay si Nabadgalyo ah codkooda u dhiibtaan.

Madaxweynaha oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Nabad ku codeeya, waa laba doorasho oo muhiim ah, aad bay Adduunyadu inoo soo eegaysaa, haddaad daawateen Idaacadaha waaweyn ee Adduunka oo dhami waxay ku soo jeedaan Somaliland, xil baa inna saaran, Nabadgalyo, wanaag iyo Nidaam u codeeya, haddii Alle yidhaahdo Natiijado wanaagsan iyo doorasho wanaagsan baa inoo dhacaysa.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in doorashadani ay soo afjarayso baarlamaankii ugu wakhtiga dheeraa uguna tayada xumaaa Adduunka “Waxaynu maanta soo afjarayna baarlamaanki igu wakhtiga dheera uguna tayada xumaa Adduunka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna ka hadlay bilowgii cod-bixinta doorashada, ayaa sheegay “Waxaynu ku jirnay Imtixaan, Imtixaankii waynu ku guulaysanay, waxaynu markii ugu horraysay ku guulaysanay inay laba doorasho isku mar wada qabano, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka, arrintaasi waxay guul u tahay guud ahaan Somaliland. Waxaad arkaysaan inay danaynayaan Beesha Caalamku, safiirro badan baa jooga, taa Macnaheedu waxa weeyaan Somaliland Maanta waalla danaynayaa.”

Dhanka kale, Cod-bixinta doorashada oo la soo gunaanaday 6-dii Galabnimo ee Shalay, ayaa waxa weli socota tirinta Codadkii laga dhiibtay, iyadoo Sanduuq kasta ay masuul ka yihiin Guddoomiyaha goobta ee Koomiishanka, Muraaqibiinta Xisbiyada, kuwa Komiishanka iyo Askarta illaalinaysa.

Maaddaama oo ay doorashadani tahay tii koowaad ee nooceeda ah isla-markaana dad aad u tiro badan codkooda ka dhiibteen ayaa Tirinta Codadku waxay qaadan doontaa muddo Toddobaad ka badan, laakiin Natiijada hor-dhaca ah ayaa lagu soo saari doonaa muddo 24 Saacadood gudahooda ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinku “Waa laba Natiijo, Natiijada hor-dhaca ah waxaanu ku han-weyn nahay oo aanu ku kalsoonahay in muddo 24 Saacadood gudahood ah lagu heli doono Natiijada hor-dhaca ah ee ee Degmooyinka, laakiin Natiijada kama dambaysta ah waxay qaadan kartaa 10 Maalmood ama muddo ka yar..”

Dadweynaha Codkooda ka dhiibtay doorashada, ayaa si weyn ugu dheg taagaya natiijada doorashada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office