Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashada Isku Sidkan Ee Shalay Loo Dareeray

0
407

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa tilmaamay inay Somaliland dhabihii ictiraafka iyo horumarka cagta saartay, isagoo sabab uga dhigay kala dambaynta iyo nidaamka dalwadnimo ee ka jirta dartood, halka uu xusay inay dawladda Soomaaliya aanay ahayn wax qorshe ah ilaa hadda.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Doorashooyinka “Inagoo dal ahaan soo maraynay marxlado aad u kala duwan, oo duruufahooda wada wata, ayeynu haddana marxalad kasta wada tashi iyo isku tanaasul kaga gudbaynay, Xukuumad kasta oo dalkeena soo martayna waxbay qabatay, sidaas oo ay tahay Doorashooyinkii kala duwanaa ee aynu soo qabanay, si fiican bay inoogu dhaceen, Doorashadana si fiican bay inoogu dhacday, Shacabkeenuna si nabadgalyo ku dheehan tahay bay codkooda u dhiibteen, halka Ciidamadeenana aan uga mahadnaqayo maadaama ay mar kasta heegan u yihiin sugidda amaanka dalkooda iyo dadkoodaba, Komishanka si fiican buu ilaa hadda hawsha u wadaa, markaas waxaan ku baaqayaa in natiijooyinka soo baxaana in lagu wada qanco”.

Mar uu ka hadlayey kala duwanaasha Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu yidhi “Qolada Soomaaliya ee aanu hore u kala baxnay, si heer iyo isku meeqaam ma joogno, Doorashooyinka dalkeena ka dhacayna waxaa goob joog ka ahaa oo markhaati ka ahaa Madax, Siyaasiyiin iyo Wufuud ka kala socday Caalamka, dabcana waxay u bogeen heerka aynu ka gaadhnay nidaamkeena dawladnimo iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta, halka aynu ognahay in ilaa hadda Soomaaliya aanay hayn qorshe iyo nidaam dawladnimo oo u dhamaystiran, markaas salaankii ictiraafka ku helayno ayeynu kornay, ee Beesha Caalamka waxaynu uga fadhinaa inay inagu ixtiramaan nidaamkeena dawladnimo iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta”

 

Geeska.net/Hargeisa Office