Faysal Cali Waraabe Oo Cadeeyay Inuu Markii 3aad Yahay Murashax Madaxweyne, Kana Hadlay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Iyo Xaaladda UCID

0
686

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda xisbiga UCID, waxaanu sheegay inaanu wax khilaaf ahi ka dhex jirin xisbiga islamarkaana heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) la horkeeni doono xisbiga oo go’aan ka gaadhi doona.

1

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ee maanta la filayo inuu dhaco oo uu ugu duceeyay inuu wanaag iyo nabad ugu dhamaado, waxaanu sidoo kale ka hadlay in General Morgan ka mid noqdo aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya.

Faysal , oo ugu horayn ka hadlaya xasuuqii Moorgan iyo doorka siyaasadeed ee uu maanta ka ciyaarayo Somaliya, wuxuu yidhi  “Iska dhaaf in la ina raali galiyee, ee la inagama xishoonayo, Anigu waxaan u arkaa dagaal la inagu qaadayo, madaama dadkii gacmaha dhiiga ku lahaa ee xitaa gaaladu salaami weyday, ayaa maanta la doonayaa in la yidhaahdo Somali buu u talinayaa, taasna inaga is dhignay oo markii aynu raadsan weynay godobteenii iyo khaladkii la inaga galay ee aynu reer reer iskugu soo jeedsanay, oo wixii la ina yeelay aynu iloownay, in lagu dhiirado oo la yidhaahdo Morgan iyo qayrkiiba Guri sare ayaa la gaynayaa,waa arin suurogashay”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Morgan iyo xasuuqii uu u gaystay shacabka reer Somaliland ayaa yidhi “Morgan waa ninkii saxeexay warqadii dhimashada, ee dadkeena raaba-raabada iskugu xidhay, oo xabaalo  wadareedka u sameeyey oo ku yaala magaalada koonayaasheeda iyo Makadurdara, in maanta lagu caleemo saaro, laguna abaal gudo, lana yidhaahdo Guri sare ayaa lagu geynayaa isaga iyo kuwa halkaas saarayaaba waa dagaal ay inagu soo qaadeen”

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey waxa Somaliland la gudboon ayaa yidhi “Morgan iyo qayrkiiba meesha ay doonaan ha galaan, waxaanu jecel nahay si toos ah iyo si dadbana Maxkamada u keeno, oo godobtii ay naga galeen daba galno”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Shirka Golaha Dhexe ee Waddani ee la filayo inuu maanta furmo ayaa yidhi “Shirka Golaha Dhexe ee Waddani, Xisbigaas buu gaar u yahay, cida ay u gartaana iyagaa xaq u leh,waxaanan jecel nahay oo aanu ugu duceynaynaa in si nabadgalyo ah oo nidaam leh ugu dhammaado,  maxaa yeelay waa Xisbi Qaran, inuu ku guulaysto Shirkiisa Golaha Dhexe ayaanu jecel ahay haddii ILLAAHAY yidhaahdo”.

Guddoomiyaha UCID ayaa mar aanu wax ka weydiinay arinta Xisbiga UCID iyo halka uu ku dambeeyey ayaa ku jawaabay “Wax khilaaf ah oo UCID u dhexeeya ma jiro, UCID-na laba garab maaha, Jamaal iyo Cali Gureyna Shir aan caadi ahayn ayaa la keenayaa heshiiskoodii ama waa la diidi doonaa ama waa la ogolaan doona inay Xisbiga ka mid noqdaan.”

Geesta kale Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu daah-furayay jaamacad cusub, wuxuu ku cadeeyay inuu markii saddexaad yahay murashax u tartamaya doorashada madaxtooyada, “Waxaan idiinku bushaaraynayaa anigu mar saddexaadkiina waan ordayaaye.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.