Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Kala Doortay Muuse Iyo Cabdiraxmaan-Cirro

0
657

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo hadda ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay sababta uu ku kala doortay Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi Cabdi.

1

Md. Biixi oo u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay inuu u halgamo sidii uu dalka uga saari lahaa qabyaaladda isagoo sheegay inaanu qabyaalad ahaan taageerayn xataa hadday ku tahay walaalkii. Isagoo ka hadlaya sababta uu ku xushay guddoomiye Cirro wuxuu yidhi “Cirro waxaan ku doortay waxa ka mid ah, waxaan ku idhi KULMIYE waa la afduubay, jujuub ayaa wax lagu doortay, cabdiraxmaanoow hadaad leedahay tani anay ii xidhantahay, Cabdiraxmaan halkaas ayuu soo dhigay, waxaanu yidhi hadaad tartan doonaysaan soo dhawaada, hadaad weliba rabtana waan kaaga degayaa, ugu yaraan soo dhawayntaas iyo qadarintaas iyo in tartan dimuqraadi ahi jiro oo ogolyahay inuu tartan xalaal ah dadka la galo aad iyo aad ayaan ugu farxay.”

Isagoo ka hadlaya qabyaaladda wuxuu yidhi “Waxaan aaminsanahay in wadanku ka gudbo qabyaaladda, mana aaminsani hadduu walaalkay yahay oo uu ila dhashay oonan ku qanacsanayn inuu yahay kii wadayay dalka waan ka leexanayaa, markaas anigu ma aaminsani in qabyaalad dadka lagu kala doorto.”

Maxamed Biixi wuxuu ka jawaabay hadal uu Muuse Biixi ku duray siyaasiyiinta isbahaysiga ee Waddani ku biiray oo nuxurkiisu ahaa inay badankoodu u shaqayn jireen hay’ado caalami ah, xawaalado iyo meherado kale, waxaanu yidhi “Waa markii ugu horaysay een maqlo qof nin shaqaystay dhaliilaya, shaqaduna waa wax sharaf iyo karaamo leh, markaas ma aaminsani in dadka shaqaalaha ah ama soo shaqaystay ama shaqeeya lagu caayo way shaqaystaan,  markaas wax aan kaga jawaabo qof shaqadii ka dhigay wax aan loo baahnayn, looma baahna inaan halkaas ka sii badiyo oo dadku way ogyihiin qof kasta taariikhdiisa.”

Isagoo ka hadlaya miisaanka ragga ku biiray Waddani ee uu ka mid yahay wuxuu yidhi  “Xisbgia KULMIYE raggii aasasay ayaa ku jira oo uga soo horeeyay guddoomiyaha laftiisa oo raggii shuruucda dhigay oo uu ku jiro Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka mid ah, hoggaankii KULMIYE ayaa ku jira, way ogyihiin dadkan meesha ka baxay inay xul yihiin oo ay yihiin labeentii umadda oo halkaanu ku biirnay aanu dhawaaq ka muujinay in maanta dadkii Waddani isku soo shubayaan, waxaanan cadayn doonaa Waddani wuxuu yahay maalinta doorashada la isugu yimaado.”