Boqorka Sucudiga Oo Lagu Rakibay Tuunbo Neefsiga Ka Caawisa Iyo Saamaynta Ay Xaaladiisu Ku Yeelanayso Dunida

0
593

Picture3

Riyaad (Geeska)- Maalintii ugu dambaysay sannadkii galbaday ee 2014ka waxaa cisbitaal loola cararay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdalcasiis Aala Sacuud si loogu sameeyo baadhitaanna caafimaad oo la xidhiidha dhinaca sambabka iyo hab-dhiska neefsiga.

War jimcihii shalay ee 2da Jeenaweri 2015 ka soo baxay qasriga boqortooyada dalka Sucuudigana waxaa lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee boqorku ay la xidhiidho dhinaca neefsiga, war-murtiyeedkan oo dadka Sucuudiga iyo guud ahaanba dunida loogu ballan qaaday in xaaladda caafimaad ee boqorka si daahfuran oo joogto ah loogaga warrami doono ayaa lagu sheegay in koox dhakhaatiir takhasus ahi ay boqorka ka heleen caabuq dhinaca sambabada ah, kaas oo gaadhsiisan heer ay dhakhaatiirtu ku qasbanaadeen in ay boqorka geliyaan tuumbo si ku-meel-gaadh ah uga caawisa neefsiga.

Xanuunka boqorka waxa uu markiiba saamayn ku yeeshay suuqa saamiyada iyo lacagta ee dalka in kasta oo uu saacadihii dambe waxoogaa kabasho ah samayeeyey, taas oo ka turjumaysa sida xanuunka boqorkan 91 jirka ahi uu cabsi dhaqaale iyo ammaanba ugu hayo dalka Sucuudiga iyo guud ahaanba gobolka oo uu kaalin weyn ku leeyahay siyaasadihiisa.

Sucuudigu waxa uu hormood u yahay dalalka shidaalka dunida soo saara, xasarad iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo siyaasiya oo ka dhacaana waxa uu saamayn degdeg ah ku leeyahay guud ahaanba suuqa shidaalka ee dunida.

Sida lagu qoray warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qudus ee ka soo baxa carriga Ingiriiskana haddii uu boqorku geeriyoodo ama uu awoodi waayo in uu isagu talada sii wado xaalado caafimaad awgeed, waxaa aad looga cabsi qabaa in khilaaf soo dhex galo qoyska boqortooyada iyo in cidda xilka ka dhaxlaysaa ay noqoto cid aan sidii boqor Cabdalla ula jaan qaadi karin siyaasadaha sida xawliga ah u socda iyo is bedellada aan la saadaalin karin ee Labadii sano ee u dambeeyey gobolkaas ka dhacayey.

In kasta oo uu boqor Cabdalle dejiyey nidaam maamul oo u muuqda in uu diyaariyey qaabkii taladu ay u wareegi lahayd dabadii, isaga oo walaalkiisa dhinaca Aabe ee Amiir Salmaan u magacaabay dhaxal-sugaha, haddana marka la eego dhibaatada jirta ee boqorka qudhiisu hore u qiray oo ah in inta ka hadhay carruurtii boqor Cabdalcasiis bin Sacuud ee dhaxalka yeelanaysay ay dhammaantood da’ ahaan aad u waaweynaadeen, isla markaana uu walaalihii ka ugu da’da yar oo ah Muqrin Bin Cabdalcasiis u magacaabay in uu isagu dhaxal-suge u sii noqdo dhaxal-suge Salmaan, haddana taasi meesha kama saarin cabsida ka dhalanaysa xaaladdan caafimaad ee boqorka, iyada oo ay dadka arrimahan u dhuun-daloolaana ku doodayaan in haddii ay xaaladda caafimaad ee boqorku ladan tahay aan la dhigeen cisbitaalkan magaciisa sita iyada oo la og yahay in qasriyada boqortooyada dhexdooda uu ku heli karo daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay.

Xaaladda dhinaca neefsiga ee hadda boqor Cabdalle cisbitaalka loo dhigay waxaa u dheer xaaladdiisa caafimaad oo aan marka horeba fiicnayn, iyada oo sannadihii 2011ka iyo 2012kana qalniino lagaga sameeyey dhabarka, oo aanu hadda ka kici karin, balse uu adeegsado gaadhi curyaan, waxaa iyaguna jira shaki laga qabo in xaaladdiisa hadda ay la xidhiidho xanuun khatar ah oo sambabka ka hayn kara, maadaama oo uu sigaarka si ba’an u nuugayey muddo dheer.

Haddii uu boqor Cabdalle geeriyoodo waxaa talada la wareegi doona boqorka leh dhaxalka ee Salmaan oo 78 jir ah, isla markaana xaaladdiisa caafimaad aanay guud ahaan fiicnayn, gaar ahaanna qaba mushkilado la xidhiidha xusuusta iyo isku-daadasho (Asaasaq) dhinaca maskaxda ah.

Simon Henderson oo ka tirsan mac-hadka Washington ee daraasaadka gobolka Bariga-Dhow ayaa maqaal uu soo xigtay Wargeyska Al-Qudus oo Geeska Afrika qaybo ka mid ah soo turjumay waxa uu ku sheegay in dad muhiim ah oo marar kala duwan kulamo la yeeshay amiirka Dhaxal-sugaha dalka Sucuudigu ay arkeen in amiirku marka uu daqiiqado yar hadlo ay makaxdiisu luminayso u fiirsiga, hadalkiisuna noqonayo ereyo aan la fahmi karin. Khilaafka huursan iyo loollanka dhinaca mansabka ee qoyska boqortooyada ka dhex jira awgeed boqor Cabdalle waa uu ku dhici waayey in uu xilka Dhaxal-sugaha ka wareejiyo amiir Salmaan, waana sababta uu amiirka da’da yare e Muqrin ugu sii xigsiiyey isaga oo aan dheg u dhigin dalabka ragga qoyska ka tirsan ee xilkan doonayey isla markaana aan ka talo gelin.

Si kastaba ha ahaato ee haddii xanuunka boqor Cabdalle sii daba dheeraado waxaa jirta cabsi isa soo taraysa oo laga qaba in ay saamayn taban ku yeelato, suuqa shidaalka ee adduunka, iyo arrimo kale oo caalamiya oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro Daacish iyo loollanka u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga, iyo weliba xasiloonida dalka Sucuudiga oo muhiim u ah caalamka Islaamka iyo dunida reer galbeedka.