Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Geerida Cumar Carte Qaalib, Dadkana U Nasteexeeyay

0
540

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay geerida ku timid ALLE ha u naxariiste Marxuum Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa,waxaanu ALLE uga baryey inuu iilka u nuuro, samir iyo imaana ka siiyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxay.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo arintan ka hadlay ka hadlay ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “ALLE ha u naxariisto ee Cumar Carte Qaalib, muddo ayuu xanuunsanaayey, haddana xaqii baa u yimid, oo wedku waa lama huraan, ee waxaynu ALLE uga baryeynaa in isaga iyo umadda Nabi Muxamed ee uu ka midka yahay ee xaq u yimid inuu u naxariisto, godkana ha u nuuro, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa qof caan ah, cid aan garanayna maanta ma jirto, sidaas oo ay tahay dhammaanteena samir iyo imaan ha inaga siiyo, waxaana si gaar ah tacsi uga dirayaa ehelka, asaxaabta, ubadka iyo dhammaan ummadda reer Somaliland ee uu ka baxay”.

Mar uu ka hadlaayey qiimo-darrada Adduunyada ayaa wuxuu yidhi “Qof walba oo ALLE abuuray, wuu dhimanaya, qof walba oo ALLE abuuray wuxuu ku xukumay dil, ha lagu kala horeeyabee, sidaas darteed waxaa mahad oo dhan iska leh ALLE, oo inaga dhigay dad muslimiin ahee wakhti kasta inaynu baraaruugsanaano oo aynu xisaabta ALLE iyo akhiro xasuusnaano ayaa la inooga baahan yahay, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu if iyo akhirba inoo naxariisto, khatumadana khayr inoogu khatimo, ee inaynu ilaalino cibaadada iyo faralka ALLE ina faray, kana dheeraano wax kasta oo ALLE inaga xarimay ayaa la inaga rabaa mar walba”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office