Hargeysa (Geeska)- Juxa oo ah oday Carbeed oo inta badan qisaska iyo sheeko xariirada maadayska u badan ee dhaqanka Carabta kaga jira, halka Cigaal Shidaad kaga jiro dhaqankeenna, dad badanina u yaqaannaan doqon, ayaa ay xaqiiqdu tahay in marka aad u fiirsato ficilladiisa iyo hadalladiisa aad ka dhadhaminayso xikmad dhuuxa kaga jirta oo ciddii garataa wax badan ka fahmayso. Waxa uu Geeska Afrika maanta qormadan ku soo qaadanayaa mid ka mid ah qisaskiisa xiisaha leh:
Juxa oo degmo uu joogay isaga dhigaya nin garaad badan oo dadka deegaanka ka caawin kara xal u helidda dhibaatooyinka la soo dersa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu u yimid nin dhibaato heshay ka cabanaya, “Aniga, xaaskayga, carruurtayda oo lix ah, hooyaday iyo soddohday, ayaa guri keliya ku wada nool. ee dhibtaas side aan u xalliyaa?” ayaa ay noqotay cabashadii ninkani qabay.
Juxa ayaa ugu jawaabay, “Orod oo dameer soo iibso, kadibna isagana habeenkii isla qolkan uun ku soo xaree” ninkii taladii ayaa uu qaatay, laakiin laba dharaarood kadib ayaa uu haddana ku soo noqday Juxa isaga oo ka cabanaya in dhibtii ay kaba sii dartay. Juxa ayaa mar kale talo ku siiyey, “Orodoo soo iibso wan oo isagana qolka ku soo xaree?” Laba maalmood kadib ninkii oo hurdo la’aan la midab doorsoomay, cadhana cirka maraya ayaa ku soo noqday Juxa oo uu weli xikmad ka sugayo, waxa aanu ku yidhi, “Juxa xaalku meel aan loo sii dulqaadan karin ayaa uu marayaa ee xal keen?”
Juxa ismaba dhibin ee mar kale ayaa uu ku yidhi, “Imika ayaa uu xalkii ugu dhow yahay ee digaagad soo iibi oo iyadana qolka ku xaree. Ninkii oo in uu is-dilo ku siganaya ayaa maalin keliya markii uu maqnaa ku soo rogaal celiyey Juxa, waxa aanu ku canaantay in xikmaddiisu bar-kuma-taal tahay oo uu dhibtii uun ku sii badiyey. Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Orod oo dameerka iibi oo hadda bal sida xaal noqdo igu soo noqo” Ninkii dameerkii markii uu iibiyey ee habeenkii xaaladdu aad u soo degtay ayaa subaxdii isaga oo faraxsan uu u yimid Juxa, “Xaalki waxoogaa sidii hore waa uu ka soo reeyey” ayaa uu ku yidhi. Haddana Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Bal hadda orod oo wankana iibi” Ninkii sidii ayaa uu yeelay, maalintii dambana isaga oo sidii hore ka farxad badan ayaa uu Juxa ku soo noqday, “Xaalkii aad ayaa uu uga soo reeyey, si qalbi ah ayaa aan kuugu mahadnaqayaa” ayaanu la shir yimid.
Juxa waxa uu ninkii ku yidhi, “Orod oo digaagadda iibi” Ninkii sidii ayaa uu yeelay oo digaagaddii ayaa uu iibiyey, kadib gurigii waxa uu ku soo noqday xaalad deggen. Subaxdii ayaa isaga oo faraxsan uu ku jarmaaday Juxa, si uu uga soo mahadnaqo samofalka uu u galay iyo xikmadda uu dhibtii jirtay kaga xalliyey ee haatan uu nafiska yahay.
Waxaa laga yaabaa in dad badani ay la yaabeen Juxa habka uu u xalliyey dhibtaas uu ninku cabashadeeda ula yimid, laakiin waa habka ay maanta siyaasiyiinta dunidu u xalliyaan dhibaatooyinka ummadahooda soo waajaha. Weliba waa kuwa ugu xikmadda badan. Waa hab ah dhibaato aad xallin karto abuur, kadib marka ay dadku damqadaan, dhibtaas xalli, waxa ay kuu arkayaan halyeey dhibaatooyinkii ummadda wax ka qabtay iyaga oo aan isweydiin in aad adigu ahayd cidda marka horeba dhibtan keentay.