Farmaajo Oo Safiir U Magacaabay Mid Ka Mid Ah Madaxda Jaamacadda Hargeysa

262
9611

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa safiir u magacaabay Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Hargeysa.

Mr. Odowaa ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu siday warar xogogaali ahi sheegeen markii xilkaas loo magacaabay uu baabuur kaga baxay xadka Somaliland isagoo gaadhay magaalada Garowe ee deegaanka Puntland.

Mr. Odowaa ayaa wuxuu ka tirsanaa madaxda jaamacadda Hargeysa, isagoo mar noqday madaxa machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanu hadda madax ka ahaa machad daraasaad oo la yidhaahdo OCVP oo qayb ka ah jaamacadda Hargeysa.

Cabdillaahi Maxamed Odowaa, ayaa wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada reer Somaliland ee wax soo bartay, waxaana machadka xalinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa ee uu madaxa ka ahaa ka qalin jabiyay arday badan oo reer Somaliland ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here