“Toddobadii Bilood Ee Muuse Biixi Kursiga Hayay Ha Is Qiimeeyo, Faysal Baa Farmaajo Isla Sawiray Caqli Maahee”

61
4067

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu is qiimeeyo toddobadii bilood ee uu talada dalka hayay.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay dalka dibadiisa ka dib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Farmaajo kula kulmay dalka Beljamka ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Faysal oo saaafadda la hadlay wuxuu  sheegay in aanu filayn soo dhawayn noocan ah laakiin, uu fahansan yahay in ay jirto wax dadweynaha soo kiciyay taas oo u muuqata in uu u jeedo shakiga bulshadu ka qabtay in loo xidho kulankii uu Farmaajo la qaatay.

Guddoomiyaha ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha uu Somaliland la soo qabtay ilaa wakhtigii AHUN Cabdiraxmaan Tuur oo uu tilmaamay in uu arrimaha qaranka kala shaqayn jiray madaxweyne kasta. Waxa uu sheegay in aanu la’aantii Siilaanyo meelmariyeen Saldhigga iyo heshiiska DP World isaga oo sheegay in uu madaxweyne Biixi si weyn uga difaacay Soomaaliya markii dadaallada diblamaasiyadda iyo saxaafadda lagaga dheereeyay xukumadda Biixi taas oo gaadhsiisay in dadku is waydiiyo in Faysal noqday afhayeenka Madaxweyne Biixi.

Ujeedadiisa Shirka Brusells wuxuu ku sheegay in madaxda Soomaaliya oo ah qurbejoog Somaliland cudqad ugu haya maxaa Siyaad Barre loo riday ay beesha caalamka ku cadaadinayeen in aan Somaliland deeq la siin iyada oo aan xukumadduna wax dadaal ah ku samayn sidii ay beesha caalamka ugu qancin lahayd in aanay dhegaysan Somalia oo Somaliland loo wado deeqaha “Inta aynu iska yuurursanay Hargeysa iyo Madaxtooyada ayaynu nidhi anagu baryi mayno ninka lacagta bixinaya, markaas ayaa nalala soo hadlay oo nala yidhi waar dee taga oo dadka dhaqaalaha bixinaya u taga sidaas ayaanu ku tagnay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo sheegay in $500 oo milyan oo la bixinayo Somaliland la siinayo ilaa $200 Milyan taasna ay tahay guul ay soo hooyeen isaga iyo Cali Khaliif.

Waxa kale o uu cudur daar u sameeyay sawirro uu la galay safiirka Somalia ee Midawga Yurub waxaanu sheegay in uu yahay nin ay ehel yihiin oo seedigii ah taageerana siiya carruurta Somaliland ee Liibiya ku xanniban “Innaga (Somaliland) sharci innoo yaalla oo la yidhi Wallowayn ha salaamin ma jirin.. dawladnimada Somalilandna meel Faysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha.. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha UCID oo yidhi “Anigu ma ihi nin Somaliland looga baqayo,” waxa uu cudur daar u sameeyay kulankii Farmaajo oo uu sheegay in uu ahaa mid codsigiisu ka yimid Farmaajo oo ay aqoon shakhsi ah isu lahaayeen. Waxa uu sheegay in Farmaajo ka dhaartay in uu taageerayo durbaanka daaroodiyada ee lagu abaabulayo dagaalka Tukaraq iyo in uu wax hub ama taageero ah siiyo Cabdiwali Gaas. Waxa uu sheegay in ay isla garteen in uu dadka u sheego in aanu dagaalka Tukaraq ahayn mid beeleed sidoo kalena dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda in uu iska dhawray eedo uu u jeediyo xukumadda madaxweyne Muuse kadib markii madaxweynuhu dhawaan sheegay in uu amakaag ka qaaday kulanka Farmaajo “”Annigu la ficil tamimaayo Muuse Biixi Kursiga ayuu noo fadhiyaa”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu u soo jeediyay in aanu ku mashquulin kulanka Farmaajo iyo Faysal ee uu qiimeeyo waxqabadkiisa todobada bilood ee uu xilka hayay “Todobadii bilood ee Muuse Biixi kursiga hayay ha is qiimeeyo..Faysal baa Farmaajo isla sawirray caqli maahee.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here