Madaxweyne Biixi Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Dalka Guinea

0
815

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde. Madaxtooyada Ayaa Sheegtay In Safarkani Uu Qaadan Doono Maalmo Kooban.

Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan kaga ambabixi doonnaa wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, weftigaas oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyada Guinea ee ku yaala galbeedka Afrika”

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaya safarku waxay ka kooban yihiin wasiirada  arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Edna Aadan Ismaaciil.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland waxa uu warbaahinta u sheegay in safarkan madaxweynuhu uu yahay mid xoojin doona xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi “Waxaana laga soo wada hadli doonaa xidhiidhada labada dal iyo wixii wanaag ah ee ka dhaxeeya, insha Allah saddex maalmood kadib weftigu halkan ayuu ku soo guryo noqon doonaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here