Brussels (Geeska)- Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa sheegay in ay sii daayeen saddex qof oo Salaasadii toddobaadkan loo xidhay tuhunno la xidhiidha weeraradii Paris ka dhacay bishii Noofamber ee sannadkan ee ay ku dhinteen 30 ka ruux. Waxa aanay xeer-ilaalintu sheegtay in aan dadkaas wax dacwad ah lagu soo oogin.
Saddexdan qof ee la sii daayey shalay ayaa la xidhay Salaasadii toddobaadkan, mar ay booliiska Belgium wadeen hawlgan ay ku baadhayeen degmada Uccle, ee magaalada Brussels xarunta Belgium iyaga oo ku daba jira dad la raadinayo oo uu booliisku aaminsan yahay in ay ku lug lahaayeen weeraradii Paris iyo Brussels ka dhacay.
Laba nin oo kale, oo ah walaalo magacyadooda lagu sheegay Ismaaciil. F iyo Ibraahim F. ayaa dacwada lagu soo oogay isla salaasadii iyada oo lagu eedeeyey weerarradii bishii ina dhaaftay ka dhacay magaalada Brussels.
Haayadaha ammaanka iyo sirdoonka ee Belgium ayaa weerarradan Brussels iyo Paris ka dhacay kadib aad loo dhaliilay, laguna eedeeyey in ay aad u tayo daran yihiin, maadaama oo ay muddo afar bilood ah ku qaadatay soo qabashada Saalax Cabdisalaan oo lagu eedaynayo in uu weerarradaas ku lug lahaa, muddadaas dheer ee weerrarada Pars ka dambaysayna ku noolaa isla xaafaddii uu weligiiba ka deggenaa magaalada Brussels, oo weliba in badan uu booliiska Belgium baadhay.