Xisbiga UCID Oo Muddeeyey Shirka Golaha Dhexe, Sharci Darrana Ku Tilmaamay Guddida Anshaxa

0
658

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhiga la qaban doono Shir weynihii Golaha Dhexe ee xisbigaasi isla markaana lagu dooran doono Musharax , Musharax ku xigeenka Xisbiga , Gudida Anshaxa iyo Hogaanka Xisbigaasi.

1

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Sabca oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ayaa mar uu shalay warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga UCID, waxa ku dhaawaqay in shirweynaha lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID la qaban doono 10ka Bisha Lixaad (June) ee sannadkan 2016ka.

Dhinaca kalana guddoomaya golaha dhexe ee UCID, waxa uu masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga uga digay in aanay wax aflaagado ah isku marin warbaahinta, waxa aanu sheegay in ay sharci darro tahay Guddida Anshax marinta ee xisbiga UCID oo dhowaan dhowr jeer soo saaray go’aamo ay ku sheegeen in ay anshaxmariyeen xubno xisbiga ka mid ah. Guddoomiye Sabca, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aanu qabanaynaa haddii ALLE yidhaa, shirwaynihii Lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID Julaay 10, 2016.  Waxa aan intaa ku darayaa xeerka Lr. 34 ee xisbiga UCID, waxa uu sheegaya guddida anshaxa ee xisbiga UCID, gudidaasna waxa lagu doortaa golaha dhexe intaa waxa aan ahayn, gudidaas sharci ma’aha cidna ma eryi karto cidna xil kama qaadi karto”

Ugu dambayntii Mudane Sabca waxa uu xubnaha khilaafkani khuseeyo iyo guud ahaan xubnaha xisbiga UCID u diray baaq uu ku yidhi, “Waxa kale oo aan leeyahay hadday tahay Musharaxa iyo hadday tahay Guddoomiyaha iyo haddii ay tahay hoggaanka sare ee xisbiga, xildhibaanada iyo cid walba oo ku jirta Golaha Dhexe ee UCID waxaa ka reeban in aflagaado iyo xumaan ay isku mariyaan warbaahinta cidii arinkaa ku xadgudubtana waxa aannu kaga go’aan qaadan doonnaa shirkayaga golaha dhexe”

Dhinaca kale Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Anshaxa Cabdiraxmaan Axmed Cali, isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Afhayeenka Xisbiga Shabaash iyo Jiciir Cali Madawe oo uu dhawaan xilka Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad uu u magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waxay difaaceen Guddida Anshaxa, oo ay sheegeen inuu yahay Guddi jirta, oo aanay haboonayn in la yidhaahdo Guddidaasi ma jirto.

Guddoomiyaha Guddidan Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa isagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbigu uu xilkan u magacaabay, isla markaana uu dastuurka Xisbigu uu siiyey awooda xil magacaabistan, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo loo soo jeediyey.

Dhinaca kalana Md. Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka gaar ah ka uu guddoomiyaha golaha dhex ee UCID ku iclaamiyey qabashada shirka, ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga UCID uu ku eekado oo qudha wakhti uu u cayimay qabsoomida shirweynaha, oo aanu wax kale ka hadal.