Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
488

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootey qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi bom lagu soo xidhay uu ku qarxay Maqaaxi aad looga cunteeyo, magaalada Muqdisho, Sabtidii shalay.

1

Maqaaxida Blue Sky oo ku taala agagaarkii Tiyaatarkii Muqdisho, iyo xarunta Madaxtooyada ayaa qaraxu ka dhacay, waxaana uu dhacay xili dadku cunteynayeen.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar ayaa Reuters u sheegay in dhimashadu ilaa hadda marayso saddex qof, dhaawaca ayuu ku sheegay kuwo intaas ka badan.

Dad goobjoog ah ayaa sheegaya in dhimashadu intaas ka badan tahay, isla amrkaana goobta uu ka kacay dab khasaare dhaliyey.

Afhayeen u hadley al-Shabaab oo magiciisa ku sheegay Abu-muscab ayaa sheegtey in ay qaraxa iyagu fuliyeen,  oo ay la eegteen shaqaalaha xabsiga jilicow oo sida uu sheegay maqaaxida ka cunteyn jirey.

Weerarkan iyo kuwa kale ee ka dhaca gudaha Muqdisho ayaa muujinaya sida aanay dawladda Somaliya weli ugu guulaysan inay gacanta ku dhigto amniga magaalada Muqdisho oo ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinkii.