Faqriga Iyo Nafaqa Xumidu Waxa Ay Ilmaha Ku Keenaan In Marka Uu Koro Uu Dhererkiisu Gaabto, Gaabniduna Waxa Ay Sababi Kartaa Cudurrada Wadnaha Iyo Xididdada Dhiigga

0
579

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhinaca Hidde-sidayaasha ah oo ballaadhan ayaa daahfurtay in qofba qofka uu ka gaaban yaha yay kaga badan tahay khatarta ah in ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiiggu. Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal Ingiriis ah, natiijadeedana dhowaan lagu soo bandhigay dalka Maraykanka, ayaa caddaysay in mar kasta oo farqiga gaabnida ah ee labada qof u dhexeeyaa uu gaadho Lix iyo badh Sentimitir (6.5sm) uu taas macnaheedu yahay in labadaas qof kan gaabani boqolkiiba 13 iyo badh kan kale uga dhow yahay khatarta cudurrradan oo ah kuwa ugu badan ee dunida maanta loogu dhinto. Tusaale ahaan qofka dhererkiisu yahay 1.52 Mitir, khatarta ah in xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiggu ku dhacaan ayaa uu boqolkiiba 32 uga dhow yahay qofka la midka ah ee dhererkiisu uu yahay 1.67 mitir.

Khubaro badan ayaa aaminsan in dhererka qofku inta uu noqonayaa ay marar badan ku xidhan tahay caafimaadkiisa carruurnimo, xaaladda nololeed ee faqri iyo ladnaan mid ah ee u uku soo koray ama nafaqada uu helay carruurnimadiisii. Shabakadda caanka ah ee MBC oo qormadan uu Geeska Afrika turjumay ka soo xiganaysa Majaladda New England Journal of Medicine ayaa khubarada daraasaddan sameeyey iyaga oo sida muuqata taas niyadda ku haya waxa ay u sheegeen in aanay daraasaddani muujin in sababta wadne xanuunka ku badisay dadka gaagaabani ay xidhiidh la leedahay xaaladdaas marka horeba la aaminsan yahay in nolosha qofka gaabani ay carruurnimadii soo martay iyo in ay  jirto sabab dhinaca Hidde-sidayaasha dadka gaagaaban ah oo arrintan keenaysaa.

Daraasaddan oo intii ay khubaradu wadeen ay tijaabooyin ka qaadeen dad ka badan 183 kun oo rag iyo dumar isugu jira, kana soo jeeda Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababaha kale ee xanuunnadan keena ay ka mid yihiin sigaar cabbista, cudurka macaanka, dhiigkarka iwm waxa aanay natiijadani bidhaaminaysaa in ay jiri karaan sababo intaas ka badan oo xaaladahan keeni karaa.