Fanaanka Cabdi Cumar-yare Oo Fanka Iyo Heesaha Iskaga Baxay

0
622

Picture3Hargeysa(Geeska)-Fanaanka caanka ah ee Cabdi Cumar-yare oo ka mid ah kooxda walaalaha Sweden ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iskaga baxay guud ahaan fanka oo uu muddo dheer ku soo jiray.

Cabdi Cumar, ayaa toddobaadkan magaalada London ee dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay, isagoo u waramay shabakadda wararka ee Salaan Media. Wuxuu yidhi “waxaan halkan umadda Somalida, gaar ahaan reer Somaliland  uga sheegayaa fankaygii inuu gebagaboobay  oo aanan fanaan dambe ahayn, waxaan si naxariis leh uga codsanayaan taageerayaashayda I jeclaa heesaha ku jira youtube ama TVyada laga saaro anigu raali kama ihi, waxaanan idiin sheegayaa inaad dhagaysataan ood daawataan inaanan raali ka ahayn.”

Cabdi Cumar, oo wakhtigii uu ku noolaa wadamada Carabta, ilaa wakhtigan uu Yurub degenyahay caan ku ahaa heesaha wadaniga ah ee Somaliland, wuxuu sheegay inuu halkaas ka sii wadi doono halganka Somaliland “Laakiin intaan noolahay Somaliland waan u shaqaynayaa.”

Cabdi Cumar ayaa ahaa fanaaniintii ugu horaysay ee fanka Somalida ku soo cusboonaysiisa qaaradda Yurub, waxaanu muddo dheer ku soo jiray fanka, isagoo soo saaray fanaaniin badan.