Prof. Aadan Xaaji Cali Oo La Wareegay Xilkii Maxkamada Sare

0
636

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha Maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa shalay xilkii si rasmi ah ugal awareegay guddoomiyihii hore Yuusuf Ismaaciil Cali.

Munaasibad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta maxkamadda sare, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay  guddoomiyihii hore ee maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali Kana War bixiyayay Marxaladihii uu la soo maray Maxkamada Sare “waxa farxad I ah in aan hoolka maxkamada sare isugu Nimi Xilwareejintii aniga iyo Gudoomiyaha Cusub kolay maanta garsoorkeena xaga aqoonta waxa uu marayaa meel wanagsan, laakiin waxa jirta oo aan waxba ka kordhin Garsoorka dalka oo dawladihii kala dambeeyay waa kala hagradeen runbaan ku hadlayaaye Maxkamada Rafcaanka ka dhintay iyo ka xanuusanaya cidna ubadkiisa ma oga. Hadaba Maanta meel wanagsan ayaan maraynaa dawladnimadeenu waa inoo taabo gashay anigu ma ihi shaqsi ahaan qof xil jecel kolay markhaatina waa laga yahay masuulka joogaa maxkamada sare waxa uu gashan yahay shaadhkii  Maxkamada darstuuriga ahayd Kolay Aadan Waa Nin aanu in badan soo wada shaqaynay waxaan leeyahay si kal iyo Laab ah ayaan ugu wareejinayaa .

Sidoo Kale Waxa Munaasiabadaasi Hadalo ka So Jeediyay Gudoomiyaha Cusub ee maxakamada sare Aadan Xaaji cali oo soo ban dhigay Qorshayaashiisa Uu ku how gali doono “maanta waxa farxad weyn ii ah in aan halkan kula wareego xilkii dhawaan madaxweyne Silaanyo I soo magacaabay, waxa sharaf ii ah in aan kula wareego Gudaha Maxakamada Sare.  Yuusuf Waxaan uga mahad naqayaa heerka uu maanta soo gaadhsiiyay Maxkamada Sare kolay halkan waa meel canaan badan oo cabasho badan hadii maanta aad wax wanaajiso mid uun ayaa kuu cadhoonayaa labadii qof ee aad kala xukuntay “