10 Arrimood Oo Aanay Dad Badani Ka Aqoonin Madaxweynihii La Afgembiyey Ee Masar Maxamed Mursi

0
529

Picture2Qur’aanka, Eedaanka, Guriga Uu Ku Noolaa Isaga Oo Xilka Haya, Aqoonta Iyo Daweynta Qaraabadiisa Dhow .. Turjumaddii Kamaal A. Cali (Q 2-aad)

Qaahira (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii ka waramaysay qaar ka mid ah hab-dhaqannadii Mursi oo ahaa kuwo aan hore loogu arki jirin madaxdii soo martay dalka Masar ama la odhan karo inta badan ee madaxda dunida kama dhacdo, qormadan oo uu Geeska Afrika u rogay Afsoomaali waxa uu ka soo xigtay shabakadda Internet ka ee Muslim Maters.

6. Carmashii bilaa hoyga ahayd: Muddadii gaabnayd ee uu Maxamed Mursi hayey xilka madaxweynaha dalka Masar, waxaa dhacay qisas aad u badan oo dadku illaa maanta ku xasuustaan naxariista uu madaxweynuhu u hayey dadkiisa iyo dhibirsanaanta uu ku qaabili jiray kooda dhibaataysan. Sheekooyinka sida aadka ah loo xasuustana waxaa ka mid ah tan ay qorayaasha qaarkood jeclasteen in ay ku magacaabaan Carmashii bilaa hoyga ahayd.

Maalin maalmaha ka mid ah xilli kolonyo baabuur ah oo madaxweyne Mursi saaran yahay ay marayeen mid ka mid ah shaaracyada dalkaas, ayaa waxaa si kedis ah u istaagay baabuurtii madaxtooyada, waxaana ka soo degey madaxweyne Mursi oo u tegey gabadh diif badani ka muuqatay oo fadhiday shaaraca dhinaciisa.

Mursi oo markii uu gabadhan arkay aad uga xumaaday duruufaha nololeed ee dhafoorkeeda ka muuqday ayaa jeclaystay in uu ogaado xaaladda muwaadinadaas ka mid ah dadka uu masuulka ka yahay si wixii suurtogal ah uu ula qabto. Madaxweyne Mursi waxa uu gabadhii weydiiyey sababta ay shaaraca u seexatay. Waxa ay u sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen saygeedii oo guriga ka soo saaray ay seexanaysay shaaracan, maadaama oo aanay awoodi karin in ay iska bixiso lacagta kirada guryaha.

Ereyadii maalintaa Mursi oo aad u murugaysan laga qoray waxaa ka mid ahaa, “Ma ogoi in Hooyo reer Masar ahi ay silicaas ku noolaato” Isla markiiba waxa uu amar ku bixiyey in loo kireeyo guri ay dawladdu lacagtiisa bixiso oo ku filan in ay si caadiya ugu noolaato. Hooyadan intii uu xilka hayey Maxamed Mursi farxad ayaa ay gurigan dawladdu u kiraysay ugu noolayd, laakiin afgembii kadib waxaa laga joojiyey lacagtii kirada ee ay dawladdu ka bixin jirtay iyada iyo hooyooyin kalaba, waxaana la xaqiijiyey in ay mar labaad ku soo noqotay noloshii dib-jirka oo ay ku nooshahay shaaracyada Qaahira.

7. Waxa uu ka qayb geli jiray hawlaha samofalka: Mursi xilka madaxweynaha ka hor waxa uu ahaa dadka jecel inta badanna hormuudka ka noqda hawlaha samofalka ee loogu gargaarayo dadka baahan iyo dadyowga aafooyinka dabiiciga ahi ku dhacaan, waxa aanu hawlaha bani’aadamnimada u huri jiray, maal, maskax iyo waqti intaba.

Mursi waxa uu hormuud ka ahaa dadkii hawlaha samofal u tegey gobolka Banda Aceh ee dalka Indonesiya xilligii duufaantii Sunaami ay ka dhacday dalalka dhaca Koonfurta Eeshiya ee ay ku dhinteen boqollaalka kun ee qof.

Mursi waxa uu ahaa nin u damqada dadka dhibban, waxa uu ahaa nin aan jeclayn af-gobaadsiga munaafaqaddu ku jirto ee madaxda qaar dadka ku halleeyaan, sidoo kale waxa uu ahaa madaxweyne aan la gabban mawqifkiisa dhabta ah. Waxaa la wada xasuustaa sida uu uga jawaabay dhambaalkii hambalyada ahaa ee uu madaxweynaha keli-taliska ah ee dalka Suuriya u soo diray xilligii uu Mursi ku guulaystay xilka madaxweynaha.

Bashaar Al-Asad oo doonayey in uu ka faa’idaysto isbeddelka ka dhacay dalka Masar, gaar ahaanna filayey in Mursi uu ka heli doono calool dabac iyo in uu garab istaago, si uu isaga caabbiyo kacdoonka shacabka dalkiisu doonayaan in ay xilka kaga tuuraan, ayaa warqad hambalyo ah u soo diray, maadaama oo xisbiga ka taliya Suuriya iyo ururrada Islaamkiga ah oo Akhwaankul-muslimiin ku jiraa ay colaad isku mid ah u hayaan Israa’iil, isla markaana dalalka kale ee Carabta iyo muslimku aanay jeclaysan madaxweynaha Islaamiga ah ee loo doortay Masar, waxa uu Bashaar Al-Asad u arkayey fursad uu ku heli karo madaxweynahan hoggaaminayey dalka ugu dadka badan, xilligaasna ugu diblumaasiyadda xoogganaa dunida Carabta oo Masar ah. Laakiin Mursi waa ay la noqon weyday in uu si togan ula hadlo xidhiidh fiicanna la samaysto hoggaamiye aan marka hore doorasho xalaal ah ku iman, markii dadkiisii ka codsadeen in uu xilka banneeyana gumaad kaga jawaabay, qoraalka uu madaxweyne Mursi u diray Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ereyadaku qornaa waxaa ka mid ahaa, “Kuuma aqoonsani in aad tahay wakiilka xaqa u leh in uu metelo dadka Suuriya, magacoodana ku hadlo” In kasta oo Mursi ahaa hoggaamiye aad u ilaaliya anshaxa iyo baratakoolka hoggaamiyenimo haddana arnaba ma’uu jeclaysan in uu diblumaasiyad munaafaqadaysan iyo af-gobaadsi ugu jawaabo hoggaamiyaha xasuuqay dad tiro badan oo aan waxba galabsan.

8. Madaxweynihii dunida ugu mushaharka yaraa: Qofku marka uu ka fikiro ama maqlo mushahar uu qaato madaxweyne waxaa markaba niyaddiisa ku soo degdega lacag xaddi badan oo weliba inta badan uu aaminsan yahay in aanay ahayn in madaxweynaha intaas la siiyo, marka uu qofku ku nool yahay dunida saddexaadna arrintu taas waaba ay ka sii xag jirtaa oo qofku waxa uu og yahay ama dareensan yahay isbeddelka nololeed ee durbadaba ka soo ifbaxa qoyska iyo dadka ka agdhow madaxweynaha, taas oo u noqota xujo uu markaba ku caddaysto in mushaharka iyo dakhliga sida tooska ah iyo sida dadbanna u soo gelaya madaxweynuhu uu aad u badan yahay, laakiin sidaas ma wada aha madaxda dunidu. La Soco

Dadka aadka u yaqaannay Maxamed Mursi xilka ka hor iyo intii uu xilka hayey, xitaa kuwa naqdiya siyaasaddiisa iyo shakhsiyaddiisaba, badankoodu waxa ay ka marag kaceen in Mursi muddadii uu madaxweynaha ahaa aanay noloshiisa waxba iska beddelin. Tusaale ahaan waxa uu weli ku sii noolaa gurigii kirada ahaa oo guri ma’ uu iibsan.  Mursi markii uu xilka qabtay waxa uu soo saaray wareegto uu ku dhimayo mushaharka madaxweynaha waxaaanu go’aamiyey in sannadka oo dhan mushaharkiisu uu noqdo 10 Kun oo doolarka Maraykanka ah, waa mushahar u dhigma $8,33 (Siddeed boqol iyo Saddex iyo soddon doolar) bishii. Waxaa taas sii dheer in afgembiga kadib la ogaaday in Madaxweyne Mursi intii uu xilka hayey aanu haba yaraato ee wax mushahar ama kharash kale oo shakhsi ah kala bixin xisaabta qaranka, taas oo muujinaysa in uu xitaa 10 kii kun ee uu qoondaystay aanu qaadan ee uu muddadaas tababaruc ugu shaqaynayey dadkiisa iyo dalkiisa.

9. Waqtiyo dhif ah ayaanu salaadda subax tegi jirin: Madaxweyne Mursi waxa uu si aad ah ugu hamuum qabay in aanu seegin jamaca masaajidka ee  salaadaha shanta ah. arrintaas oo kaftan iyo dacaayado joogto ah ay ka dhigan jireen dadka aragtida diinta ka fog ee dalkiisa, gaar ahaan kuwii markii dambe buun-buuniyey aadkana u taageeray afgembiga dhacay. Waxa ay ku andacoonayeen in uu dhib ku hayo ilaaladiisa, in uu halis gelinayo ammaanka naftiisa iyo sharafta kursiga uu ku fadhiyo iyo dacaayado tiro badan oo la mid ah. laakiin waxaas oo dhan dheg uma uu dhigin ee waxa uu ku dadaali jiray in uu safka hore ee masaajidka ku tukado salaadaha shanta ah oo dhan, muddadii uu xilka hayeyna salaadda subax si joogta ah ayaa uu u tegi jiray masaajidka.

10. Sawirada madaxweynaha gidaarrada laguma dhejin karo: Dalka Masar iyo guud ahaanba dunida saddexaad ee keli-talisyadu daashadeen waxaa caan ku ah in sawirka madaxweynaha, boqorka ama hoggaamiyaha dalka lagu dhejiyo gidaarrada xafiisyada, guryhaha, shaaracyada iyo baabuurtaba, iyada oo weliba lagu hoos xardhayo ereyo khayr ugu ducaynaya in uu ruux barako badan yahayna sheegaya.

Xilligii Madaxweyne Xusni Mubaarak shaarac kasta oo aad marto dalka Masar waxaa qasab ahayd in aad derbiyada dhaadheer iyo taallooyin ku aragto sawirka madaxweyne Mubaarak oo aad loo weyneeyey lana qurxiyey, laakiin isla markii Madaxweyne Maxamed Mursi xilka madaxweynaha loo doortay, waxa uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in sawirkiisa la sudho, derbiyada, xafiisyada dawladda. Waxa aan soo jeediyey in sawirrada xafiisyada dawladda ku xardhan ee madaxweynihii ka horreeyey lagu beddelo ereyo Islaami ah iyo magaca Alle oo si farshaxan ah loo xardhay.

Ugu dambayntii qormadan uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay shabakadda Muslim Matters ku soo afmeertay, ‘Dabeecadaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee laga arkay madaxweyne Mursi muddadii gaabnayd ee uu xilka hayey, aad ayaa ay uga badan yihiin tobankan qodob.

Taas macnaheedu ma’aha in aanay jirin in qaladaad ay ka dhaceen intii uu xilka hayey, waayo isaga qudhiisa ayaaba marar badan qirtay qaladaad siyaasadeed oo uu ku dhacay, dibna u saxay. Laakiin haddii aad jeceshay iyo haddii aad necebtahayba xaqiiqooyinkan lagaaga sheegay Maxamed Mursi waxa ay kaa caawinayaan in aad faham fiican ka hesho hoggaamiyahan nacaybka badan iyo jacaylka badanba loga qabo dalka Masar. Waxa aan rajaynayaa in ay xogtani kuu tilmaami doonto halka ay runtu jirto. Dhammaad