“Maayarku Beeshiisa Ayuu La Shiraa Isagoo Leh Sidee Baynu Ina Urcade U Bedelnaa” Maayar-Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilahi Uurcade

0
4108

 

Hargeysa(Geeska)-Maayar xigeenka caasimadda HargeysaUurcadde Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa eedaymo kala duwan u jeediyay maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo uu muddooyinkan khilaaf ka dhexeeyay.

 

Uurcade, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Maayar Jiciir oo salka ku haya jidka dawga cad iyo arrimo kale. “Waxa uu ka hadlay Maayarku Wadada Dawga-cad oo isku xidha Xeebteena Waqooyi iyo Caasimadda Dalka, isla markaana isku xidha Somaliland iyo Djibouti oo dad muwaadiniin ahi ay si tabaruc ah ay u wadaan oo ay ka shaqaynayaan oo Guddidii ay dawladaha hoose u yimaadeen kana codsadeen in dawladda hoose qaybtii ay ku lahayd wadadaas ay ka qaataan, marka uu leeyahay Maayarku anigaa wadadaa u kireeyey Cagafyo oo Maayar ku xigeenkuna wax war ah kama hayo waa war aan sal iyo raad toona lahayn.” Ayuu yidhi Uurcade, waxaanu intaas raaciyay “Maayirkaa leh waxa aan u kireeyey wadada Dawga-cad Cagafyo maalintii uu yimidba Cagafyadii aanu anagu gaynay wuu ka soo saaray, Dhismaha wadadaasina maaha mid isaga laga baryayo waa mid dawladda dhexe, shacbi iyo ummadda oo dhami iskugu tagtay waana wado qaran, waxaanan ugu digayaa inuu talaabadaa ku sii socdo. Waxaanan leeyahay waxba Cagafyo ha u kirayne kuwa dawladda hoose uun bal kaga qayb gal, waxaanu halkan ugu nimid 4 Cagaf, afartii laba isagaa Xaraashay oo mana garanayno sabab uu u xaraashay oo Xildhibaanada Golaha Deegaankuba dhawr jeer ayey ka hadleen.”

Isagoo ka hadlaya hadal uu Maayarku ku sheegay inuu saxeexiisa iyo awoodiisa ku soo wareejiyay ku xigeenkiisa iyo xoghayaha wuxuu Uurcade, yidhi “Waxa uu yidhi waxa aan Saxeexaygii ku sii wareejiyey ku xigeenkayga iyo Xoghayga markii uu u  dhoofayey Kambala, waxaad moodaa inaanu isba ogayn oo waxaanu anagu ka xishoonay ayuu isagu ku xaragoonayaa, waayo anagu inaanu ummada u sheegno wixii jiray waanu ka xishoonay iyo shantii cisho-ba la maqnaa saxeexiisii.”

Mar uu maayar xigeenku ka hadlayay maamulka dhulka, wuxuu yidhi “Arinta Maamulka dhulka ee uu ka hadlay aan idiin sheegee xilka dhulka hadday tahay iyo haday tahay Nakh-shadba iyo hadday wax walba tahay isagay gacantiisa ku jirtaa, run ahaantiina xil cid u haysay Agaasime ha noqdo ama maamul ha noqotee ma jirto, wax kale iska daayoo Naqshada xataa Xoghayntiisa ayaa u haysa oo badhna gurigiisa ayey yaalaan. Ninka isaga oo waxaas oo dhan qaba uu yidhaahdo cidbaan wax ka qaaday waa ku nasiib daro oo wax uu Maayir ku xigeenku uu gaar u hayey oo aan ahayn taa golaha deegaanku noo xilsaaray ma jirto, hadii uu jecel yahay in amarkiisa la qaato oo sharciga dadku raaco waxa fiican inuu isagu qofku uu sharciga bilaabo maadaama oo uu isagu masuul yahay, laakiin intuu sharciga baalmarayo cid wax waydiinaysa oo wax ka dhagaysanaysaa ma jirto. Waxaan leeyahay haddii aad nidaamka dalka u yaala raaci waydo Ina Jiciir wax ka badan noqon maysid, haddii aad nidaamka raacdana waxa aad tahay Maayirkii Hargeysa oo waanu kugu ixtiraamaynaa”.

Wuxuu ku tilmaamay maayarka Hargeysa nin si gaar ah ugu shaqeeya dhismaha Tiyaatarka Hargeysa oo uu sheegay inuu xogogaal u yahay “Waxaan arkayaa oo runtii ii muuqda marka uu ka hadlayo bilicda ama wadada Dawga-cad waxa kaliya ee uu magaaladda ka ogyahay waa Masraxa Tiyaatarka oo aanu u qirayno inuu xoog uga shaqeeyo oo aad xogogaal ugu yahay waanu ku mahadsan yahay.” Ayuu yidhi.

Wuxuu ku eedeeyay maayarka inuu u ololaynayo in xilka laga tuuro, isagoo taas ku sababeeyay xisbiga UCID oo uu ka baxay.  “Anigu waxaan ahaan jiray Xisbiga Ucid waad ogaydeen oo waa la is yar qabqabsaday, wax ala wax ka galay isqabqabsigayaga iyo khilaafka Xisbiga Ucid ma jirto, waxaan ka warqabaa oo aan hayaa maalinkasta golaha deegaanka waxa uu u qaybiyaa beelo, halkaas ayaanu beeshiisa kula shiraa isaga oo ka hadlaya sideebaynu Ina Uurcade u badalnaa, gabigiisuna waxa uu shaqo ka dhigtay Maayar ku xigeen uu marna leeyahay waxa aan u igmaday ayuun buu qabtaa marna uu leeyahay iga badala. Arinta uu ka cadhaysan yahay waa taas horta anigu Faysal Cali Waraabe-na isma haysano, wax dhib ah oo aanu isku haysanaana ma jirto oo Maxkamada ayuu u gudbiyey wixii ay nagu xukunto-na waanu ku qanacsanahay oo waanu u hogaansamaynaa.” Ayuu yidhi Maayark xigeenku.