Falastiini Baastooladdiisa Ku Beddelay Wejiga Maraykan Oo 50 Sano Kaddib Weli Maxbuus Ku Ah Xabsiyada Dalkaas (2)

25
2858

Washington (Geeska)- In kasta oo uu Sarxaan isku dayey in uu kiiskan dafiro, haddana ma’ uu keenin wax burin karay caddaymaha maxkamadda la horkeenay iyo baadhista ay samaysay muddo 8 bilood ah oo uu kiisku socday, oo ay ku jiraan dad ku marag furay in ay arkayeen marka uu Sarxaan rasaasta ridayey.

Dacwadda oo kooban

Sarxaan waxa uu aad uga warwaray in doorashada Maraykanka uu ku guulaysto murashaxa ballan qaaday in Maraykanku si aan xakame lahayn u taageeri doono Israa’iil. In Maraykanku uu Israa’iil ka caawin doono dhismaha ciidamadeeda cirka, kuna caawin doono diyaaradaha dagaalka ee Phantom oo markaas casri ahaa. baadhitaannada dacwaddan waxaa lagu soo helay qoraal ku yaallay buug uu Sarxaan ku ururin jiray xusuusqorkiisa maalinlaha ah. Laba toddobaad uun ka hor fulintii dilkan, waxa uu Sarxaan buuggiisa xusuusqorka ku qoray, “Xildhibaan Robert F. Kennedy waa in uu dhintaa. Waa in la dilaa”

5tii bishii Lixaad ee 1968 kii, ayaa uu Sarxaan xaday baastoolad uu lahaa walaalkii Muniir, waxa aanu fuliyey dilkan oo fulintiisu ay ilbidhiqsiyo kooban ku qaadatay. Bilowgii Sarxaan waxa kale oo la’ la xidhay labadiisa walaal ee Muniir iyo Caadil,  laakiin markii dambe waa la sii daayey, kaddib markii ay caddaatay in iyagu aanay kiiskan ku lug lahayn.

Difaaca

In kasta oo ay dembi baadhayaasha Maraykanka ee dacwaddan ku lug lahaa keeneen caddaymo badan, iyaga iyo maxkamaddubana ku adkaysteen in Sarxaan uu qabo kiiskan uu u xidhan yahay muddada 50 ka sano ah. Haddana waxaa weli jira doodo ka soo horjeeda oo iyagu aaminsan in Sarxaan uu yahay dulmane, u xidhan kiis si si aad u kakaln oo madow badani ku jiro loo soo agaasimay. Waxa ay dooddani qabtaa in Sarxaan aanu ahayn gacan ku dhiiglaha runta ah.

Qoraallo kala duwan iyo filimo laga sameeyey dacwaddan oo sida ay shabakadda Alcarabiya ku warramayso, ay qaarkood ku jiraan shabakadda Youtube ka ayaa ku doodaya in Sarxaan dhagar loo maleegay oo xeelad hal-xidhaale noqotay oo aan illaa hadda la fahmin loo adeegsaday in kiiskan isaga tunka loo saaro. Waxa ay qoraalladani haystaan dad marag ah, oo qaarkood sheegayaan in rasaasta ay maqleen ay ka badnayd 8 xabbbadood, halka qaarkoodna ay sheegayaan in ay 13 xabbadood ahayd. Waxa kale oo jira dad goobjoog ahaa oo aaminsan in rasaasta dishay murashaxu aanay ka imanayn baastoolad keliya, balse ay hubaan in laba baastooladood ay dhacayeen.

Sannadkii 1997 kii, ayaa caalmi Maraykan ah oo ku xeeldheer cilminafsiga ahi waxa uu sheegay in baadhitaan uu ku sameeyey Sarxaan uu ku ogaaday calaamado muujin kara in Sarxaan uu dembigan geystay laakiin marka uu geysanayey uu ku jiray xaalado maskaxeed oo cidi si badheedh ah ugu samaysay. Waana taas fasiraadda keliya ee loo hayo, doodda sheegashada Sarxaan ee ah in aanu xasuusnaynba waxa dhacay oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here