Dad badan ayaa marka ay damcaan in ay bulsho ka hor hadlaan waxaa ku dhaca xaalad Khalkhal nafsadeed iyo jidheed ah, waxa aanay xaaladdoodu sii xumaataa marka aanay hore ugu sii diyaargaroobin hadalkaas. Fagaare ka hadalku waxa uu u baahan yahay xasilooni ay dadku qofka hadlaya ka dareemaan, taas oo ay adagtahay in qofka laga helo, haddii aanu marka hore u tababarnayn fagaare ka hadalka, waqtiga ugu fiican ee lagu tababari karaana waa in ay carruurtu yar tahay.
Bertrand Briet oo ku xeeldheer xirfadda fagaare ka hadalka, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee La Croix waxa uu ku sheegay talooyinka ugu habboon ee qofka ka caawin kara in uu si kalsooni ah bulshada uga hor hadli karo.
Bertrand Briet waxa uu sheegay qofku marka uu dadweyne khudbad u jeedinayo, in indhaha iyo maskaxda dadku xaggiisa u soo jeestaan, si ay u qiimeeyaan. Waayo qofku marka uu arrin ka hadlayo, dadka dhegeysanayaa waxa ay muuqaalkiisa, iyo dhaqdhaqaaqa uu samaynayo ama ishaarooyinka uu bixinayo ka dheehdaan xaaladdiisa nafsiga ah, farxaddiisa, galaangalkiisa bulsho, heerka waxbarashadiisu gaadhsiisantahay iyo heerka ay aqoontiisa guud taagan tahay. arrimahaas oo aan ka muuqan karin ereyada khudbaddiisa, ama ugu yaraan aan si fiican looga fahmi karayn. Xeeldheere Bertrand Briet waxa uu sheegay in kalsoonidu ay kaalin muhiim ah ka qaadatay carrab furnaanta qofka iyo cod karnimadiisa.
Khabiirku waxa uu soo jeediyey talooyin caawinaaya in ilmuhu inta uu yar yahay lagu tababaro fagaare ka hadalka, si aanay marka uu weynaado ugu noqon caqabad hoos u dhigta heerkii uu u qalmayey.
U dhalasho
Bertrand Briet waxa uu sheegay in ay jiraan carruur si dabiici ah ugu diyaarsan fagaare ka hadalka. Waxa ay awoodaan in ay dad kala duwan wax u sheegaan ama dadka hortooda su’aalo dhiirran waalidkood ku weydiiyaan, taas oo ay marka dambana la weynaadaan.
Laakiin Briet waxa uu sheegay in taas macnaheedu aanu ahayn in qofku uu codkarnimada iyo kalsooni u hadalka u dhasho oo keliya. Waxa aanu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ku tababarashada fagaare ka hadalku.
Briet waxa uu sheegay in kala sarraynta bulsho iyo dabaqadaha waxbarasho ama dhaqaale in aanay saamayn badan ku lahayn awoodda uu qofku u leeyahay in uu hadlo, inkasta oo ay ka duwantahay marka ay timaaddo qoraalka.
Doodaha fasallada waxbarashada
Briet oo ka warramayey sida ugu habboon ee carruurta loogu tababari karo fagaare ka hadalka ayaa sheegay in, waqtiga ugu fiican in tababarka la bilaabaa uu yahay inta aanu ilmuhu gaadhin da’da 11 sano jirka. Xilligaas oo ah marka ugu fiican ee jidhkiisa loo diyaarin karo dhaqdhaqaaq ku habboon ereyada uu odhanayo iyo in uu is waafajiyo dhaqdhaqaaqa xubnaha jidhkiisu ay samaynayaan iyo ereyada ay dibnuhu odhanayaan.
Waxa uu ku taliyey in macallimiintu ay fasallada ka dhex abuuraan doodo ardayda dhexdooda ah oo ku aaddan hadba mawduucyada ay da’ ahaan iyo waxbarasho ahaan ka hadli karaan ama arrimaha noloshooda la xidhiidha.
Tababarrada uu xusay waxaa ka mid ah in macallinku uu ardaydiisa ka dhex abuuro dood tusaale ahaan la xidhiidha nooca cunto ee ku habboon nususaace, sax iyo qalad midka ay u arkaan in dugsiyada loo sameeyo labbiska isku midka ah. Waxa kale oo ka mid ah nidaamka ay dugsiyada qaar isticmaalaan ee ah in ardayda xilliga ay safka ku jiraan aroortii la sameeyo maalin ardaygu uu ardayda iyo macallimiinta hortooda ka jeediyo khudbad ama wararka talefishannada iyo idaacadaha ee uu maqlay. Dugsiyada qaar waxa ay ku magacaabaan ‘Idaacadda subaxnimo, ama barnaamij talefishan ayaa ay u ekeysiiyaan’.
Briet waxa uu aad u ammaanay nidaamka waxbarasho ee ah in dersigu uu noqdo qaabka dood uu macallinku hoggaanka u hayo, laakiin ardayguna erey la dhegeysto ku leeyahay. Arrimahaas oo uu sheegay in ilmuhu marka uu weynaado ay u fududaynayaan in uu dad badan ka hor hadli karo.