Facebook Waxa Uu Dilaa Dareenka Maskaxeed Ee Qofku Waqtiga Kula Socdo

0
695

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa ka digtay in isticmaalka barkulanka bulsho ee Facebook uu si aad ah u daciifiyo dareenka qofka ee dhinaca waqtiga. Cilmibaadhayaal ka tirsan xarunta cilmiga maskaxda iyo hannaankeeda shaqo oo ka tirsan jaamacadda Kent ee dalka Ingiriiska ayaa cilmibaadhistan ku ogaaday in baadhbaadhista bogagga facebook iyo si guud isticmaalka internet ku ay saamayn weyn oo taban ku leedahay fahamka qofka iyo feejignaanta uu qofku u leeyahay reenka maskaxeed ee qaddarinta waqtiga.

Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika  afsoomaaliga u rogay oo lagu baahiyey Joornaal ka Psychology Social Applied oo ka faallooda Cilminafsiga ayaa intaas ku daraysa in tijaabooyin kala duwan oo la sameeyey lagu ogaaday in sawirrada qofku ka daawanayo Facebook iyo qoraallada uu ka daalacanayaba uu ku qaato waqti aad u badan inta uu ku qaato daawashada iyo akhriska sawirrada  iyo qoraallada uu meelaha kale ka daalacdo.

Cilmibaadhis hore ayaa iyaduna daaha ka rogtay in isticmaalka joogtada ah ee barkulannada bulshadu ay saamayn taban ku leeyihiin dareenka qofka, inta badanna ku abuuraan dareen niyadjab iyo culays nafsi ah u badan.