Facebook Oo Soo Saartay Nuskhad Fudud Oo Ku Habboon Meelaha Xawaaraha Internet Ku Culus Yahay

0
610

Picture8

Washington (Geeska)- Shirkadda Iska leh bar-kulanka bulshada ee Facebook ayaa shaaca ka qaadday in ay soo saartay nuskhad fudud oo ay ku shaqayso talefannada gacanta lagu qaato ee dadka isticmaalayaa ay joogaan deegaannada internet koodu aadka u culus yahay. masuuliyiinta Facebook waxa ay sheegeen in nuskhaddani ay ku shaqayn karto xitaa marka shabakadda internet ku ay aad u liidato ama ay googo’ayso.

Nuskhaddan fudud ee facebook oo ay shirkaddu u bixisay Facebook Lite waxaa marka hore isticmaalkiisa laga bilaabayaa qaaradda Eesiya, waxase lagu wadaa in toddobaadyada soo socda gudahood loo sii daayo dalal ka mid ah Yurub, Laatiin Ameerika iyo qaaraddeenan Afrika.

Shirkadda Facebook waxa ay sheegtay in ay adeeggan dhaqan gelisay kadib markii ay xaqiiqsatay in internet ku uu deegaannada qaar aad ugu liito, taasina ay keento in uu si fiican u furmo waayo facebook gaar ahaan qaybtiisa lagu isticmaalo talefannada gacanta ee casriga ah ee ku shaqeeya nidaamka Android ka loo yaqaanno.