Maraykanka Oo Cadeeyay Magaca Ninka Ay Doonayeen Inay Baraawe Ka Qaataan

0
809

Picture2Washington(Geeska/W.Wararka)-Masuul ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in ninka ay dartii u weerareen magaalo xeebeedka Baraawe ee Somaliya uu yahay nin Kenyan ah balse asal ahaan ka soo jeeda Somaliya.

Sarkaalkaasi, wuxuu wargeyska Newyork times, u sheegay in ninkaasi ay raadinayeen uu yahay Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan Cikrama, kaas oo ay doonayeen inay nolol ahaan ku qaataan. Hawlgalkaas uu Maraykanku habeenimadii Sabtidii ka fuliyay Somaliya ayaa fashilmay ka dib markii ay qaban kari waayeen ninkii ay u socdeen, waxaanay dib ugu laabteen doonyaha dheereeye oo u yaalay badda xeeligeeda. Maraykanku waxay sheegeen inay doonayeen inay ninkaas nolol ahaan ku qabtaan balse aanay dilin. Wargeyska New York times, ayaa dhawr qormo oo kala duwan ka qoray sababaha fashiliyay weerarkaas iyo weliba sababta Maraykanka ku dhiirigelisay inuu hawlgalkaas qaado.

Mr. Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, wuxuu Maraykanku u haystaa inuu ku lug lahaa qaraxyadii safaaradihii Kenya iyo Tansaaniya ee sannadkii 1998, sidoo kalena waxa lagu xidhiidhinayaa weerarkii laba todobaad ka hor ka dhacay suuqa west gate ee Kenya.

Geesta kale, isla habeenimadaas wuxuu Maraykanku hawlgal ka sameeyay wadanka Liibiya oo uu nolol ku qabtay nin ay raadinayeen oo ay sheegeen inuu ka tirsanyahay Al-Qaaciida.