Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Danaha Qaran Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Kala Shaqeeyaan Ka Dabrayn Mucaaradnimadooda

0
688

 

faysalHargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa si diiran u soo dhaweeyay in la cayimo doorashada golayaasha deegaanka, waxaanu sheegay inay xukuumada kala shaqeeyaan arimaha la xidhiidha qaranimada Somaliland.

 

Sida oo kale waxa uu gudoomiye Faysal ugu baaqay xukuumada isla markaasna uu sheegay in xisbigooduna aaminsan yahay in dalka wasaaradahiisa kala duwan loo yeelo siyaasad cad oo lagu jiheeyo. Waxa uu arimahan gudoomiye Faysal Cali kaga hadlay waraysi uu wargaysak Geeska Afrika wax kaga waydiiyay cayimaada komishanku ay cayimeen doorashada deegaanka, waxaanu hadal kiisa ku bilaabay sidan “ Doorashadani dibay u dhacday oo toban sano ayay arintoodu taagnayd, shan sanno ayaana loo doortay golaysha deegaanka waxaanay ku darsadeen shan sano oo kale, markaas waa laasim in doorashadu qabsoonto intaan sanadkan dhamaan, markaas waxaan u aragnaa in wakhti la cayimaa inay tahay wax wanaagsan, maxaa yeelay laga bilaabo Guurtida, Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka intuba bilaa sharcibay ku fadhiyaan, markaas in wax la dhaqdhaqaajiyo oo qaar la sharciyeeyo waa xaq, waxaanan u aragnaa inay talaabo wax ku ool ah tahay, waanan soo dhawaynaynaa.”

Faysal Cali Waraabe oo aan su’aalanay rajada uu xisbigoodu ka qabo inuu ka gudbo doorashada deegaanka iyada,  maadaama oo uu xisbiga khilaaf ka dhex dhacay wakhti hore, waxaanu ku jawaabay “Khilaaf  xisbiga kama dhacin ee waa lagu soo duulay, rag baana la abaabulay oo la yidhi xisbiga baa’biya, waxaana lagu soo weeraray waa xisbi ka shaqeeya danta Somaliland, xisbigana kamay tagin dadkii taageerayaasha u ahaa, markaas waxa uu haa dagaal dibada iyo gudahaba kaga yimid oo lagu dilaayay sidaa uu Somaliland u taageero iyo wanaageeda, imikana waxa nagu soo biiray dad badan oo ka tirsanaa xibiga Udub iyo shacbigoodii, markaas wax warwar ah nama hayaan. Xisbiguna waxa uu imika u samaysan yahay gudoomiye ku xigeen ka koowaad oo  ka soo jeedaa gobalka Awdal, ka labaadna waxa uu ka soo jeedaa Sanaagta bari, ka saddexaadna waa Cali Guray oo waxa uu ka soo jeedaa Hargaysa, ka afraadna waxa uu ka soo jeedaa gobalka togdheer, waliba waa dad taageerayaashoodii wata oo maaha kuwii hore ee nala joogi jiray iyaga oo aanay ciddi la socon, waa niman mudakar ah, ka koowaad waxa uu ahaan jiray wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolalaha, waxa kale oo nagu soo biiray wasiir ku xigeenkii hore ee qorshaynta oo aan hadda ka dhigayno xoghayaha xisbiga ee Qorshaynta, markaas maalin dhaw  ayaad arki doontaan xisbiga waxa isugu iman doona aqoonyahan  qabiil ka tagsanaa, waxaanu xisbigan noqonayaa xisbiga Ugu balaadhan.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyay xoghayaha UCID ee arrimaha dibadda oo dhawaan ku tilmaamay wasaarada arimha dibada mid aan nidaamsanyan, iyadoo la aaminsanyahay inuu xisbiga UCID xukuumadda kala shaqeeyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Anagu xukuumada kalama shayqano siyaasada dibada ee waxaan kala shaqaynaa waxii dan ah, arintana arin qaran oo aanu xisbi qudhi awoodeeda lahayn ayay ahayd, wada hadalka Somaliland iyo Somaliyana waa arin qaran oo ah inay guddi qaran ka qaybgasho, madaxweynuuna inuu gartay si wanaagsan weeye, waxaan kala shaqaynay arinta Buuhoodle oo iyaduna arin qaran ah, waxii arimaha qaranka ah ee aan iska kaashan karno waan iska kaashanaynaa, laakiin mucaarad baanu nahay oo xaq baanu u leenahay halkii daldaloolo ay ka jiraan inaan ka sheegno, markaas xoghayahu haddii uu arkay in aan wasaarada arimha dibadu aanay si wanaagsan u shaqaynayna inuu ka hadlo xaq buu u leeyahay.waxaan Anaguna aaminsanahay oo u soo jeedinaynaa xukuumada in aynu wax kasta siyaasad ka lahaano, oo yanu yeelano siyaasada arimaha gudaha,dhaqaalaha iyo arimaha dibadaba.”