Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Toonta Waxaa Ka Mid Ah Bixinta Timaha, Qurxinta Jidhka Iyo Dejinta Dhiigkarka

26
6748

Hargeysa (Geeska)- Toontu waxa ay guud ahaanba jidhka bani’aadamka u leedahay faa’iidooyin caafimaad. Faa’iidooyinkaas qaar ka mid ah oo ay si gaar ah ugu leedahay dumarka ayaa aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarab.

  1. Toonta iyo bixista timaha: Toonta waxaa ku jira macdanno aasaasi ah sida xadiidka, faytamiinno ay ka mid yihiin B iyo C iyo maaddooyinka lidka mariidka, sidaa awgeed waxa ay si weyn u yaraysaa daadashada timaha, waxa aanay kordhisaa koritaankooda. Si gaar ah dumarka timuhu ka daataan waxaa lagula taliyaa in ay isticmaalaan shaambooyada dabiiciga ah ee toontu ku jirto. Waxaa iyaduna xusid mudan in toonta oo toos loo xunaa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo kala duwan.
  2. Toonta iyo quruxda jidhka: Toonta waxaa ku jira curiyaha Salfar ka loo yaqaanno oo caawiya oojinta ciddiyaha, kana ilaaliya in ay jajabaan ama nabarro yeeshaan. Waxa kale oo ku jira maaddada ‘Allicin’ oo iyada iyo Salfarku ay wadajir si weyn uga qayb qaataan ilaalinta dhalaalka iyo midabka dabiiciga ah ee maqaarka iyo dubka sare ee jidhka. Waxa kale oo jira iyaguna qoraallo sheegaya in muudka toontu uu noqon karo dawo dhayme oo nabarrada lagu bogsiin karo, isla markaana laguna dagaalami karo kaarka iyo boogaha.
  3. Toonta iyo cudurrada wadnaha: Toontu waxa ay kordhisaa heerka kalastaroolka dhiiggu u baahan yahay, iyada oo dhinaca kalana la dagaallamaysa kalastaroolka aan fiicnayn, kana hortagta in uu ku ururo xididdada dhiigga. Sidaa awgeed toontu waxa ay yaraysaa khatarta ah in ay xidhmaan xididdada dhiiggu ama adkaadaan. Cilmibaadhiso kale oo lagu sameeyey faa’iidooyinka toonta, ayaa iyaguna xaqiijiyey in cunista toonta oo la joogteeyaa ay dhiigkarka dejiso.
  4. Toonta iyo doonista jinsiga ah: Dhadhanka kulul ee toonta ayaa la aaminsan yahay in uu leeyahay awood uu ku saamayn karo doonista jinsiga ah. Waxa iyadana la ogyahay in maaddadda ‘Allicin’ ee aynu hore soo shegaynay in toonta laga helo, ay faa’iidooyinkeeda ka mid tahay in ay wanaajiso wareegga dhiigga ee jidhka. Waxaa la ogyahay in wareegga dhiigga oo habsami u socdaa in ay ka qayb qaadato dareenka jinsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here