Washington (Geeska)- Bunku waxa uu weligiiba ahaa sharaab muran badan oo dhinac caafimaadka ah ka dhex dhaliya khubarada caafimaadka, badhkood ayaa baadhitaanno kala duwan ku soo ogaada in bunku uu khatar ku yahay caafimaadka oo qasab ay tahay in laga dheeraado, markaasay kuwo kale soo helaan faa’idooyin badan oo uu u leeyahay caafimaadka, laakiin runtu waxa ay ku soo ururaysaa in bunku uu faa’idooyin badan oo caafimaad u leeyahay xaalado gaar ah, halka dhibna uu ku keeno xaalado kale, sidaa awgeed qofka bunka isticmaalaya waxa uun la gudboon in uu qiimeeyo xaaladdiisa caafimaad, kadibna ka go’aan gaadho dhibta iyo dheefta midda bunku u keenayo isaga.
Daraasado kala duwan oo sannadihii u dambeeyey ka soo baxay meelo kala duwan oo dunida ah ayaa iyagu si cad u diidday in bunku uu haba-yaraato ee wax khatar ah ku leeyahay caafimaadka. Balse, dhibaato iska daa’ oo ay cabbista bunku ka hortag u noqoto cudurrada ku dhaca wadnaha, xididdada dhiigga, cudukra asaasaqa keena ee Alzheimer, Parkinson disease, macaanka iyo noocyo kanaskar ka mid ah, gaar ahaan nooca ku dhaca qanjidhka Prostate ka iyo ka naaska ku dhaca.
Guddi khubaro ah oo dawladda Maraykanka u qaabilsan talooyinka caafimaad ee la xidhiidha cuntooyinka iyo cabbitaannada ayaa talo bixin ay shanti sano mar soo saaraan oo soo baxday bishii Feebarweri ee sannadkan waxa ay ku sheegeen in bunku inta badan aanu dhib caafimaad lahayn,(Marka laga tago xaalado dhif ah). khubaradani waxa ay sheegee in baadhitaan cilmi oo ay muddo wadeen ay ku ogaadeen in qofka oo maalintii cabba saddex illaa shan koob oo bun ah, aanay wax dhibaato ah ku keenayn caafimaadkiisa.
Warkan oo ay faafisay wakaaladda France Press ayaa intaas ku daraya in khubaro kale oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in aan weli si buuxda la isugu hallayn karin fikirka ah in bunku uu cudurro ka dawo yahay, gaar ahaan kansarka, laakiin waxa la hubo ee cilmibaadhistan ku jiraa ay tahay in bunka 3 illaa 5 koob oo maalintii la cabbaa anay dhib caafimaad lahayn.
Dhinaca kale waxa ay khubaradu sheegeen in dumarka uurka leh aanu bunku u fiicnayn gaar ahaan in maalinti iaanu kaga badan 200mg oo u dhigma laba koob, waxa aanay sheegeen in uu bunku gabadha uurka leh ku keeni karo in ilmuhu ka soo dhaco ama dhasho sidkiisa ka hor.
Tijaabo mar sii horreysay lagu sameeyey 25 kun oo qof oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaduna iftiimisay in dadka maalintii cabba 3 illaa 5 koob oo bun ah, ay halbawlayaashooda dhiiggu ka nadaafad badan yihiin dadka aan cabbin ee dhiggooda ah, isla markaana ay ku yar tahay guntimaha iyo ka samaysma dufanka (Kalastaroolka) oo ah kuwa inta badan keena wadne xanuunka.