Cillado Haddii Aanad Gaadhigaaga Ka Daweyn Khatar Weyn Ku Keeni Kara, Talooyin Muhiim U Ah Gaadiidka (2)

0
613

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey cilladaha haddii aan gaadhiga laga daweyn khatarta ku keeni kara iyo talooyinka ay khubarada gaadiidku ka bixiyeen dayactirka iyo dhawrista gaadhiga:

Gaadhiga afarta taayir ka dhaqaaqa (Four wheels drive) iyo kuwo labada dambe ka dhaqaaqa; Labada taayir ee hore ayaa la soo furayaa oo xagga dambe talan-taalli loogu xidhayaa, labada dambe iyagana xagga hore ayaa loo rarayaa laakiin qasab ma’aha in ay iyagu talan-taalli noqdaan. Khubaradu waxa ay sheegayaan in isku-beddelkaasi uu aad ugu fiican yahay dhowrista taayirrada, waxaa iyaduna muhiim ah in aynu ogaanno in haddii taayirka waqtiga uu warshadda ka soo baxay ay ka soo wareegtay Afar sano, aanay tayadiisu fiicnaanayn, xitaa haddii aan gaadhi lagu soo xidhin oo ay cusub yihiin. Sababtuna waxa weeye: Rabadhka uu taayirku ka samaysan yahay marka uu muddo iska yaallo waa uu qallalaa, oo jileeca iyo dabacsanaanta ayaa ka luma, sidaa awgeed isku sii dhegsanaantiisa ayaa hoos u dhacda, oo waxa uu keeni karaa qarax ama qaradh iyo dillaac dhaqso ah.

2. Biriigga: Waa arrin aynu wada garan karno in biriiggu uu ka mid yahay meelaha ay ugu muhiimsan tahay in aynu gaadhiga ka daryeelno, waajiba ugu horreeya ee gaadhiga innaga saarani waa in aynu iska hubinno saxamada biriigga, qaabka loo hubinayaana waa in la eego in ugu yaraan boqolkiiba 30 ay weli dhumucdoodii asalka ahayd ka sii nooshahay, (Saxamada Biriiggu waa ay lismaan oo mar kasta khafiif sii noqdaan, mar kasta oo ay sii khafiif noqdaanna waxaa hoos u dhacaysa awooddii ay gaadhiga ku qaban karayeen), haddii aad aragto in khafiifkoodu boqolkiiba 30 ka gaadhay intii asalka hore ay le’ekaayeen waxaa waajib ah in aad beddesho. Sida caadiga ahna beddelkoodu waa arrin aad u fudud, kharashkeeduna aanu badnayn. Marka aad beddelaysana iska jir saxamada bireegga ee aan asalka ahayn ama tayadoodu liidato. Ogowna in bireegga tayadiisu ay xidhiidh la leedahay noloshaada iyo nolasha dadka kale ee aad gaadhiga ku dhex waddo ama aad ku siddo.

3. Istaarinka (Shookaanta oo isku dhan): Sida aynu wada ognahay isteerinka gaadhigu ma’aha giraanta aynu gacanta ku wadwadno oo keliya, balse waa nidaam isu dhamaystiran oo isku xidhan, illaa suxullada hoose ee sababaya marka aad giraanta wareejiso in shaagga gaadhigu u leexdo dhinaca aad rabtay.

Mar kasta oo aad gaadhiga waddo waa in aad la socoto qaabka shaqo ee Isteerinka gaadhiga, in uu si habboon u wareegayo, in saliidda Power steering ee ku jirta gaadhigu tahay xaddi ku habboon iyo arrin kale oo muhiim ah oo ah in aad hubiso in isteerinku aanu dhinac isu dhufanayn. Marka uu gaadhigaagu jid laami ah oo mudh ah (Toosan) marayo waxa aad isku dayda in aad dhowr ilbidhiqsi gacanta ka qaaddo Isteerinka, si aad u hubiso in isteerinka oo is wata illaa xaggiisa hoose uu si habsami ah u shaqaynayo, sidoo kale haddii taayirradu aanay isu dheelli tirnayn naqas ahaan isteerinku dhinac ayaa uu isu dhufanayaa.