Faahfaahin Xiiso Badan Oo Laga Qoray Weerarkii Suuqa Westgate

0
653

Picture4Nairobi (Geeska)-  Wargeyska The New York Times oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa isaga oo soo xiganaya masuuliyiin reer Kenya ah oo aanu magacaabin, waxa uu sheegay in weerarkii ay kooxda hubaysani muddada afarta maalmood ah ku haysatay suuqa weyn ee Westgate uu ahaa mid uu garabka hawl-gallada dibadda ee ururka Al-shabaab si heer sare ah ugu soo qorsheeyey gudaha Soomaaliya. Warbixin ay wariyeyaaha wargeysku ka soo direen magaalada Nayroobi ayaa uu ku sheegay in weerarkan la qorsheeyey toddobaadda ama bilo ka hor, isla markaana Al-shabaab fulinta hawlgalkan si taxaddar leh ugu soo xushay koox dagaalyahanno shisheeye ah oo si qurux badan ugu hadli karayey afka Ingiriisiga.

 

Warbixintan uu wargeyska The New York Times ka qoray dhacdadan oo uu wargeyska Geeska Afrika soo ururiyey ayaa sheegaysa in weerarka ka hor kooxda fulinaysay qaar ka mid ah loo soo diray suuqa Westgate si ay u soo fahmaan guud ahaan qaab-dhismeedka dhismaha suuqan, marinnadiisa, qaybihiisa iyo xataa faal-maydhada loogu talo galay hawada, iyada oo dhinaca kalana kooxdan weerarka fulinaysay la siiyey tababarro isla markaana ay weerarka ka hor tijaabo fiican oo ah qaabka uu weerarku noqonayo ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, kadibna ay ka soo tallaabeen xadka Kenya oo uu wargeysku ku sheegay mid leh daloollo fara badan, isla markaana ciidamada ilaalada xuduudka ee Kenya ay yihiin askar mushaharku ku yar yahay, oo musuqa iyo laaluushka ku mamay.

Maalin ama laba ka hor weerarka, ayaa qoryo awood badan oo ah kuwa daran-doorriga u dhaca ee sil-siladda leh waxaa si qarsoodi ah loo geliyey gudaha dhismaha Westgate, waxaana lagu qariyey mid ka mid ah dukaamada suuqan oo qofka ka shaqaynayey uu kooxdan caawinayey. Sidaas ayaa uu ahaa sawirka ay masuuliyiinta amniga ee Maraykanku ka bixiyeen weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay suuqa Westgate ee magaalada Nayroobi, kaas oo afar maalmood oo la kala adkaan la’aa kadib, uu madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta salaasadii 24ka bishan ku dhawaaqay in uu soo gebo-gabeeyey hawlgakaas, oo ay dileen dagaalyahankii ugu dambeeyey ee kooxda weerarka soo qaadday. Laakiin waxaa hubaal ah in maydka dadkii ku dhintay weerarkan oo daraasiin ka badani uu weli yaallo gudaha dhismaha gaar ahaan qaybihiisa dumay. Waxa kale oo uu madaxweyne Kenyatta sheegay in uu helayo warar sheegaya in gabadh Ingiriis ah iyo laba ama saddex nin oo muwaadiniin Maraykana ahi ay ku lug lahaayeen weerarkaas, inkasta oo uu sii raaciyey in aanu warbixinahaas xaqiijin karin, qaar ka mid ah dadkii ka soo samato baxay gudaha suuqan ayaa iyagu ku adkaysanaya in ay arkeen ugu yaraan gabadh si xooggan u hubaysan oo hawlgalka ka qayb qaadanaysay. Madaxweyne Kenyatta ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah oo lagu xusayo dadka ku wax yeelloobay dhacdadan amni oo ah tii ugu khatarta badnayd taariikhda casriga ah ee dalka Kenya oo ku faana n uu yahay jasiirad nabdoon oo ku dhex taalla gobol gubanaya.

Masuuliyiinta Maraykanku iyagu waxa ay sheegeen in aanay weli garan karin haybta dadka weerarka geystay oo ay ka war sugayaan baadhitaannada DNA-ga iyo weliba kamaradaha amniga ee dhismahan ku rakibnaa oo dib loo eegi doono, waxase ay qireen in uu ahaa weerar si aad u heer sarraysa loo soo qorsheeyey oo loogu talo galay in uu khasaaraha ugu ballaadhan geysto , sidaa dhacdayba. Dhinaca kalana masuuliyiinta dalka Kenya oo ay ugu horreeyaan hay’adaha amniga ayaa la halgamaya sidii ay jawaabo waafiya ugu heli lahaayeen sida ay ku shuurtogashay in 10 illaa 15 ruux oo xag-jireyaal ahi ay galaan suuqan iyo sida ay hubka milateri ee lahaa awoodda ay afarta maalmood iskaga celinayeen xoogagga amniga u geliyeen suuqa.

Masuuliyiinta sirdoonka ee reer galbeedka ayaa aad uga cabsi qaba in qaar badan oo ka mid ah kooxdii weerarkan fulisay ay baxsadeen iyaga oo ku dhex dhuumanaya buuqa iyo sawaxanka jiray. Masuuliyiintani waxa ay sheegayaan in xubnaha baxsaday inta ay hubkii iska dhigeen ay labbis caadiya kala soo baxeen, cabsidaas oo uu xoojiyey ruux ka mid ah dadkii gudaha suuqa ka soo baxay oo isagu sheegay in uu indhihiisa ku arkayey nin ka mid ah dadkii hubaysnaa ee gudaha ku jiray oo inta uu gudaha dad ku soo dilay iska soo baxay.

Masuuliyiinta Maraykanka oo ka duulaya warbixinaha sirdoon ee ku aaddan weerarka suuqa Westgate, qalabka wax lagu dhegeysto iyo maragga dadka indhahooda ku soo arkay kooxda hubaysan ayaa aaminsan in ay suurtogal tahay in Al-Shabaab ay qoratay dad Afka Ingiriisida si fiican ugu hadli kara oo ka soo jeeda dalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Yurub, kuwaas oo awoodi karaya in ay si firfircoon uga dhex shaqeeyaan dalka Kenya oo afka Ingiriisida iyo Sawaaxiligu ay yihiin afafka rasmiga ah ee dalka.

Waxa kale oo ay masuuliyiinta Maraykanku aaminsan yihiin in kooxdan weerarka qaadday ay xafiis mus-dambeed u ah ku lahaayeen dalka Kenya, si ay uga dhigtaan meel ay si nabad ah ugu qabyo tiri karaan qorshahooda weerar kuna kaydsan karaan hubkood. Dad badan oo goob-joog ahina waxa ay sheegeen in kooxdani ay adeegsanaysay hub kuwa daran-doorriga u dhaca ah iyo noocyo ka mid ah qoryaha ay adeegsato wakaaladda sirdoonka ee dalka Kenya, taas oo dadka xallila arrimaha sirdoonku ay ku macneeyeen in kooxda weerarkan qaadday ay hubkan ka iibsadeen saraakiisha musuqa ku caan baxay ee reer Kenya oo horeba loogu ogaa in ay hub iibiyeen ama kireeyeen iyaga oo dhowr doolar saacaddii qaadanaya.

Kooxda weerarka soo qaadday markii ay dileen dad aad u badan oo shacabkii adeeganayey ah, waxa ay dib ugu noqdeen suuqa waxa aanay la soo kala baxeen qoryo culus oo ay ku dileen ugu yaraan lix ka mid ah ciidamada dalka Kenya.