Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Toosinta Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadii Diiday Xeerka Wadooyinka Iyo Qodobada Ay Fulintooda Ku Balameen

0
574

Picture5Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa shalay kulan la yeeshay xildhibaaanadii diiday xeerka horumarinta waddooyinka.

Kulankaas oo aan saxaafadda loo ogolayn, wuxuu ahaa hadhimo sharafeed ay labada xisbi u sameeyaan xildhibaanadaas ka codeeyay xeerka oo ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah. Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, kulankaas waxa goob joog ka ahaa guddoomiyayaasha labada xisbi ee UCID iyo Wadani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo xubno sare oo ka tirsan madasha toosinta qaranka iyo wada tashiga. Warku wuxuu sheegay inay labada xisbi iyo madashu xildhibaanada uga mahadceliyeen diidmada ay kala horyimaadeen xeerkaas oo ay ku tilmaameen mid dulmi ku ah dadka xoolo dhaqatada iyo danyarta ah.

Guddoomiye Cirro iyo guddoomiye Faysal, ayaa halkaas xildhibaanada uga jeediyay khudbado guubaabo ah, iyagoo ugu baaqay inay sidaas isugu sii duubnaadaan. Madaxda Wadani iyo UCID waxay xildhibaanada ugu baaqeen inay garab galaan qorsheyaasha labada xisbi mucaarad ay ku sii adkaynayaan mucaaradadooda.

Kulankaas, ayaa sida uu warku sheegay waxa la iskula qaatay in la xoojiyo mudaharaadka ay labada xisbi mucaarad hore ugu dhawaaqeen ee ay wasaaradda arrimaha guduhu u diiday, kaas oo ka dhan ah xeerkan ay wakiiladu ansixiyeen, kaas oo ay labada xisbi sheegeen inay sii wadayaan hirgelintiisa. Waxa kale oo la iskula qaatay in sida ay u dhigeen dalka la badbaadiyo, islamarkaana la qabto kulamo bulshada loogu soo bandhigayo xaaladda siyaasadeed, hoggaamineed iyo dhaqaale ee uu wadanku marayo.

Xildhibaanada oo qaar ka mid ahi ay halkaas ka hadleen, ayaa ka mahadceliyay hadhimo-sharafeedka loo sameeyay, waxaanay balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan horumarinta danta guud.