Faadumo Siciid Oo Xukuumada Ku Eedaysay Inay Xoog Kula Wareegayso Xarunta Darbi Jiifka

25
595

Picture3Hargeysa(Geeska)-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin,ayaa si weyn u soo bandhigtay qaabka uu ku yimid dhismaha xarunta dhaqan celinta ee Maxamed Mooge iyo dadkii abaabulay dhismaha xaruntaa.

Waxa ay xukuumada ku dhaliishay inay doonayso in xaruntaas oo ay dhiseen muwaadiniinta Somaliland ah ay iyadu si xoog ah kula wareegto,waxaanay ku dhaliishay xadhiga ay kula kaceen Luul Xasan Mataan oo xaruntaas gacanta ku haysay. Iyada xukuumada ku canbaaraysay  habdhaqanka xadhiga iyo caga-julaynta ku dhisan.

Waxa ay sidan ku sheegtay marwo Faadumo Siciid iyada oo u waramaysay warbaahinta madaxabanaan,waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Dawlada waxaan doonayaa inaan si fiican u xasuusiyo in wakhtigii la aasaasay xarunta darbi jiifta  aanay iyaguba jirin,xaruntan fikirkeeda iyo maalgalinteedaba waxa leh muwaadiniin Somaliland ah,maalintii aanu fikirka lanimi ee aanu doonay in darbijiiftaas suuqa wadhan ee dooxyada jiifa ee qaarkood fara-xumaynta loo gaystay inaanu meeshaas ka asturno. Waxaanu ugu tagnay oo u horeeyay maayar Jiciir oo aanu dhul waydiisanay, intaanu u sheegnay arintii oo aanu nidhi waa arin Alle inagu eegaayo oo u baahan in aynu caruurtaas asturno,waxaanu nasiiyay dhulkan oo ku yaala Maxamed Mooge,markii intaasu noo qabsoontay,waxaanu u tegnay Cabdirashiid Dahabshiil oo aanu u soo bandhignay in uu caruurta yar yar ee dayacan uu wax-nagala qabto,waanu nala qaatay isaga oo na waydiiyay lacagta ku kacaysa,laakiin waxaanu u sheegnay in aanan lacag ka doonayn ee uu Injineer inta uu u diro uu isagu dhiso oo furaha nagu wareejiyo.”

Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “ Waxaanu u tegnay shirkada Telesom oo sidii si leeg aanu ugu soo bandhignay iyaguna way nala qaateen,waxaan u tegey madaxweyne ku xigeenkii markaas joogay Axmed Yuusuf isaguna waa uu na aqbalay,waxaanu sida oo kale u tegnay Casoowe oo ahaa wasiirka cadaalada oo isaguna waxa uu noo sheegay inuu layn wasaaradeed noo noqonaayo oo halkaas ayuu naga taageeray.Hadalkaygani maaha mid aan hawada ka soo qaatay,waxaan hayaa faylkii oo dhamaystiran,qoraalkii maayar Jiciir noo sameeyay,waxa ku qoran inaanu hoos tagaynay wasaarada cadaalada,in wasaarada shaqadu wax shaqo ah oo ay ku leedahay aanu jirin.markii dalka ay qabsatay dawladan Siilaanyo waxa noo yeedhay wasiiradii shaqada Ilhaan oo tidhi meeshii waan la wareegayaa,waxaanan ku idhi hadaad nagala wareegayso si sharaf leh ula wareeg,dadkii dhisayna aanu u mahadnaqno,waanay nagu diiday,waxaan u tegay Xaaska Madaxweyne Axmed Siilaanyo Aamina Weris iyada oo ay iraacday Aamina Maxamuud Diiriye oo samafalka ahayd,arinkana waanu u bandhignay oo waxaan idhi haddii aad doonaysaan inaad dawlad ahaan la wareegtaan meesha idiima diidanin waayo waa shaqo baaxad weyn,laakiin waxaanu jecelnahay in qalabka,faylka iyo waxii aanu u haynaba inaad si wanaagsan oo sharaf leh noogala wareegtaan,dadkii nala shaqeeyayna aanu u mahadnaqno waa naloo diiday,halkaas ayaanu ka bilaabmay dagaalkii dawladu,waxaanay leedahay xukuumadu xoog ayaanu meesha kula wareegaynaa.”

Ugu danbayntiina Faadumo Siciid waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Anigu waxaan idhi meel caruur yar yar oo danyar ah oo markii horeba aanu tabaruc ugu samaynay anigu ku dagaalami’maayee,halkaas ayaan ka baxay,laakiin inantaas LuulXasan Mataan ayaa maamule ka ah ee la shaqeeya oo la heshiiya,arinta darbi jiifku waa halkaas dawlada dhan ee Axmed Maxamed Siilaanyo intaas ayay ku dagaalamaysaa. Dawlada waxaanu ka filaynay in isbadalkeedu noqdo inay danyarta caawiso oo muwaadiniinta taageerto,oo qofka muwaadinka ah ee yidhi naftayda iyo maalkaygaba iyo xoolahaygaba waxaan u hurayaa dadkaas masaakiinta ah inay gacan qabtaan xukuumad ahaan,laakiin in muwaadin lagu dilo oo lagu xidho yaa kugu yidhi darbi jiifka wax u qabo, oo taasi ay noqotay in xadhig lagu mutaysto oo dadka ka hadlaana ay mutaystaan in suuqyada lagu toogto,Somalilandeey  anigu maanta hadlaye hadii bari xabad laygu dhufto waxaanu aanaynayaa dawlad,arintuna halkaas ayay maraysaa.meeshan darbi jiifta xukuumadu xaq uma laha hadii xaq shaqaynaayana faylkeedii waakaas.sidani waa sharci daro waxaanu galaynaa xaquuqul-insaanka,waxaanu galaynaa meelo faro-badan oo aanu idinkaga ashkatoono falalka foosha xun ee aad ku kacaysaan,shaqaa’laydiin doortee ka soo baxa.”

Comments are closed.